Heshiiya

Soomaaliya dalkeennii baa ragow silic ka muuqdaaye
Saadaasha gabay baan rabaa inaan ku saafaaye
Mindi saawiraan laga samrine saaka idhageysta

Sahal uma tillaabsado ruux hadduu seedaha isgooyo
Sambabadu nimay maqanyihiin orad ma sii rooro
Sifoyaalahaas inaan leennahaa saaka la hubaaye

Sujuudiyo nimaan lagu kareyn inuu salaadaaba
Sakadii ninkii diidayoo soonka jabinaaya
Siraadkii qiyaamaha wallee saanta rogiwaaye

Qabiilada rabbaa suubiyoo waa sirgooniyahe
Sihir iyo qaraabada unbaa lagu suntaayaaye
Qabyaaladda waxaan loo subkaday saw ma aha waalli?

Sagaal bilood ninkii lagu dhalee socodna kaa liidan
Subxaankiis yaqaannoo intaas saxaya tawxiidka
Sab iyo midgaan saw dhahdeen waa su’aal culise?

Saqiirkiyo maxaa loo dilaa samaha kii sheega
Socotada maxaa loo dhacoo seefta loo mariyey
Sinta tii nasaartana maxaa silaca loo taagay?

Sodoh iyo dumaashiba haddii saaqid ka adeego
Sokeeyiyo xigaalaba haddii sahay la dhaafsiisto
Soomaalaay halkee loo socdaa sidatan waa yaabe?

Dhaqan soo jireenaan lahayn waad la socotaane
Sulux iyo heshiis baa mushkilo lagu sifeeyaaye
Salaadiinta maxaa loo xaqiray sidatan waa yaabe?

Sanawaad haddii aan jabnoo suurku nagu yeeray
Saxariir haddii laga dhergoo samo la naafeeyey
Soo noqosho goormaa lahelin sidatan waa yaabe?

Deeqdii subxaankaa dhammaan wada saluugteene
Sad-bursiyo waxaad wada rabtaan subax ku maaleysi
Sicir bararka waxaa noogu wacan saw ma aha tuugo?

Su’aal baan jawaab uga rabaa kii siyaasiyahe
Suntii reergalbeedkuba nacee soo masaafuriyey
Sidee baad ku yeesheen ragow sidatan waa ceebe?

Siyaasadda waxaa loo galaa ma ahan seegseege
Saadaashiyo waxaa laga bartaa seyhadhaw noqone
Salaqlaha maxaad uga heshaan subaxba meel aadka?

Sikastoo layeelaba haddii xooggu socon waayey
Soomaaliya haddii aad rabteen saatan inay dhaanto
Saaxiibbow heshiiyoo kaltama sidatan waa ceebe

Sankuneefle khalqigii dhammaan waa na sugayaaye
Sumcaddeenu waa eber war hooy saad lasocotaanba
Saaxiibbow heshiiyoo kaltama sidatan waa ceebe

Sacabbada wixii kuugu jiray yara intaad seydho
Sandareerto inaad raadsataan waa silloon tahaye
Saaxiibbow heshiiyoo kaltama sidatan waa ceebe

Siinleyda meeshaan la rabay sahal ma qaadsiiyey
Sarbeeb uma iraahdee murtida kali makuu soocay
Su’aal kalana waa iga ducee sacabadaw hoorsha

Subxaanow adaa karahayee samaha noo meeri
Sufahada Allow noo hadee saamic baa tahaye
Soomaaliya Ilaahow berriba saxan saxow hoorto

Sirta kii maleegana Rabbow siriqda uu laaco
Seexashada hurdada Rabbow sooba kiciwaayo
Saaxiibbadiisiyo Alloow ehelka uu seego

Sannadkaan Ilaahow qabqabo samaha kii diida
Sunta uu walaaqana kumalag sixun Allow qaadka
Soomaaliya Ilaahow ka dhali dawlad lagu seexdo

Soomaaliya dalkeennii baa ragow silic ka muuqdaaye Saadaasha gabay baan rabaa inaan ku saafaaye Mindi saawiraan laga samrine saaka idhageysta Sahal uma tillaabsado ruux hadduu seedaha isgooyo Sambabadu nimay maqanyihiin orad ma sii rooro Sifoyaalahaas inaan leennahaa saaka la hubaaye Sujuudiyo nimaan lagu kareyn inuu salaadaaba Sakadii ninkii diidayoo soonka jabinaaya Siraadkii qiyaamaha wallee saanta rogiwaaye Qabiilada rabbaa suubiyoo waa sirgooniyahe Sihir iyo qaraabada unbaa lagu suntaayaaye Qabyaaladda waxaan loo subkaday saw ma aha waalli? Sagaal bilood ninkii lagu dhalee socodna kaa liidan Subxaankiis yaqaannoo intaas saxaya tawxiidka Sab iyo midgaan saw dhahdeen waa su’aal culise? Saqiirkiyo maxaa loo dilaa samaha kii sheega Socotada maxaa loo dhacoo seefta loo mariyey Sinta tii nasaartana maxaa silaca loo taagay? Sodoh iyo dumaashiba haddii saaqid ka adeego Sokeeyiyo xigaalaba haddii sahay la dhaafsiisto Soomaalaay halkee loo socdaa sidatan waa yaabe? Dhaqan soo jireenaan lahayn waad la socotaane Sulux iyo heshiis baa mushkilo lagu sifeeyaaye Salaadiinta maxaa loo xaqiray sidatan waa yaabe? Sanawaad haddii aan jabnoo suurku nagu yeeray Saxariir haddii laga dhergoo samo la naafeeyey Soo noqosho goormaa lahelin sidatan waa yaabe? Deeqdii subxaankaa dhammaan wada saluugteene Sad-bursiyo waxaad wada rabtaan subax ku maaleysi Sicir bararka waxaa noogu wacan saw ma aha tuugo? Su’aal baan jawaab uga rabaa kii siyaasiyahe Suntii reergalbeedkuba nacee soo masaafuriyey Sidee baad ku yeesheen ragow sidatan waa ceebe? Siyaasadda waxaa loo galaa ma ahan seegseege Saadaashiyo waxaa laga bartaa seyhadhaw noqone Salaqlaha maxaad uga heshaan subaxba meel aadka? Sikastoo layeelaba haddii xooggu socon waayey Soomaaliya haddii aad rabteen saatan inay dhaanto Saaxiibbow heshiiyoo kaltama sidatan waa ceebe Sankuneefle khalqigii dhammaan waa na sugayaaye Sumcaddeenu waa eber war hooy saad lasocotaanba Saaxiibbow heshiiyoo kaltama sidatan waa ceebe Sacabbada wixii kuugu jiray yara intaad seydho Sandareerto inaad raadsataan waa silloon tahaye Saaxiibbow heshiiyoo kaltama sidatan waa ceebe Siinleyda meeshaan la rabay sahal ma qaadsiiyey Sarbeeb uma iraahdee murtida kali makuu soocay Su’aal kalana waa iga ducee sacabadaw hoorsha Subxaanow adaa karahayee samaha noo meeri Sufahada Allow noo hadee saamic baa tahaye Soomaaliya Ilaahow berriba saxan saxow hoorto Sirta kii maleegana Rabbow siriqda uu laaco Seexashada hurdada Rabbow sooba kiciwaayo Saaxiibbadiisiyo Alloow ehelka uu seego Sannadkaan Ilaahow qabqabo samaha kii diida Sunta uu walaaqana kumalag sixun Allow qaadka Soomaaliya Ilaahow ka dhali dawlad lagu seexdo

Search