Hadaaq

Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye
Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye
Sida ubadku hooyada u tebo kuu hafeeftamaye
Hadii aanan kulahayn yartaay kuma haleeleene
Habeenkii yimaadaba lixjeer kuma horjoogeene
Hal abuurka kuum aan tirsheen heesta caashaqa e
Bal hor joogsi daayoo anaan haynin aragaaga
Hareertayda ood joogtidbaan ku hami qaataaye
Markaasaan humaagiyo cidlada ku hambalyeystaaye
Hilinkaynu maridoono iyo hooy ku taamaaye
Hagaageena iyo khayr ayaan ku hindisoodaaye
Markaan keligeey haasaawayee aan islahadlaayo
Ayagoon wax hubinoo ogeyn waxa i heeteeyey
Dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugeygiiye
Hadaaq ay wax sheeg-sheegayaan uma haboonayne
Haabkooda may gelin cishqiga hawsha daba taale
Inta uu hadhuudhlaha kudaray ama hed soo gooyey
hal-hal tirada waan lagu heleyn taniyo Haabiile
Anigana haduu igu shakalay hadimadiisiiye
Imikuu u hees yidhi gab’dhaa taan hanteen rabaye
Aniguna hensii kaama lumin u halgankiisiiye
Waa waxan hadhuub ugu sitaa hoorka caashaqa e
Waa waxan dhul heegadu martiyo Hodan u geeyaaye
Waa waxan haboow uga jiraa horukac mooyaane
Waa waxan hirdoogliyo caleen ugu horseedaaye
Hablahoo dhan keligaa yartaay hibeda laysaarye
Sida hogol kaliishii da’doo milicdu ay-hayso
Ama lebiga hawdoo gugii ubaxu heeryeeyey
Oo haadku dhaafoo shinbiro cimilo goor heesa
Aadmigu ma hilayee dhakhsuu ugu hiloobaaye
Anna xiisahaan kuu hayaa kaba hanaan dheere
Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye
Oon heerkastay qurux ka tahay hawlin taa kale’e
Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale
Qaar buu gabdhaha hilibku iyo hugu cusleeyaaye
Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawrjeere
Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan
Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane
Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey
Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya
Ilka aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin
Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyad loo siiyey
Dhabanada hareeraha wejiga halalac nuuraaya
Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye
luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisey
Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay
Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey
Dhaxdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin
Hanaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleene.

Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye Sida ubadku hooyada u tebo kuu hafeeftamaye Hadii aanan kulahayn yartaay kuma haleeleene Habeenkii yimaadaba lixjeer kuma horjoogeene Hal abuurka kuum aan tirsheen heesta caashaqa e Bal hor joogsi daayoo anaan haynin aragaaga Hareertayda ood joogtidbaan ku hami qaataaye Markaasaan humaagiyo cidlada ku hambalyeystaaye Hilinkaynu maridoono iyo hooy ku taamaaye Hagaageena iyo khayr ayaan ku hindisoodaaye Markaan keligeey haasaawayee aan islahadlaayo Ayagoon wax hubinoo ogeyn waxa i heeteeyey Dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugeygiiye Hadaaq ay wax sheeg-sheegayaan uma haboonayne Haabkooda may gelin cishqiga hawsha daba taale Inta uu hadhuudhlaha kudaray ama hed soo gooyey hal-hal tirada waan lagu heleyn taniyo Haabiile Anigana haduu igu shakalay hadimadiisiiye Imikuu u hees yidhi gab’dhaa taan hanteen rabaye Aniguna hensii kaama lumin u halgankiisiiye Waa waxan hadhuub ugu sitaa hoorka caashaqa e Waa waxan dhul heegadu martiyo Hodan u geeyaaye Waa waxan haboow uga jiraa horukac mooyaane Waa waxan hirdoogliyo caleen ugu horseedaaye Hablahoo dhan keligaa yartaay hibeda laysaarye Sida hogol kaliishii da’doo milicdu ay-hayso Ama lebiga hawdoo gugii ubaxu heeryeeyey Oo haadku dhaafoo shinbiro cimilo goor heesa Aadmigu ma hilayee dhakhsuu ugu hiloobaaye Anna xiisahaan kuu hayaa kaba hanaan dheere Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye Oon heerkastay qurux ka tahay hawlin taa kale’e Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale Qaar buu gabdhaha hilibku iyo hugu cusleeyaaye Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawrjeere Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya Ilka aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyad loo siiyey Dhabanada hareeraha wejiga halalac nuuraaya Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisey Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey Dhaxdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin Hanaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleene.

Search