Habbis

Cidla’ geel-jirkoo ula baxiyo canugga mooyaane
Carruurta iyo maatada haddii caano laga siiyo
Cirir baa ku tuumada ninkii caawin weerara’e
Colka ayda laga soo dhuraan cidina noo sheegin
Iyagoo ciyaalkii nirgaa culus ka soocaaya
Cas-casaanka waaberi miyaa nalagu ciireeyey?
Kama cararo Mayliig raggii caanbaxa ahaaye
Ku celceliye dhawr-qaad intay cagaha laabteene
Soolomadow hadday carato waa ciidankii Yurube
Cidhba gogolka liishaanku waa camaladdoodiiye
Waa niman cayaarsiis la baray caynka Faransiise
Cishiriin kun oo shiish yaqaan looma caal helo’e
Abtidoonku waa cadow haddii caaro doox dhaco’e
Cadaabkii ma tage Dhuux-Yaraa ceeb ka dhiidhiyaye
Cadceed baa fardaa noo dhashoo waa cawo adduune
Cismaan baa jareeyoo waqaan cududdu naafoone
Cishii baa la doodoo gob bay caadadeed tahaye
Cayn iyo Jaleeloba markuu calan-wallaysiiyey
Cooflii magaaleed miyuu cagidi noo keenay
Cabaadkii afdiinlaha miyaa cidina hayn weydey
‘Cara wira!’ ‘Mar soo roga!’ miyaa lagala caalwaayey
Cagaar Kulule, Yayl iyo Dulgaal cagaha maw saarray?
Kaba-Yare colkuu waday miyaa haadku ku casheeyey?
Hadba cuurka soo hadha miyaa fuluhu coosh-cooshey?
Cabbaarkiiba ba’ayeey miyay Canab la soo booddey ?
Cawa-dhacayda naagaha miyaad ciyowgi Hawd mooddey?
Cadiig baa ninkii loola hadhay cunaha weynaaye
Geeddiga casuusta leh miyaa ciiro nala moodey?
Ma shalaa tolkay Cimidh u degey cidhifkii Buuhoodle?
Ma haddaan horweyn Ciid u baxay cidina eegaynin?
Cirka kaa sarreeyiyo dhulkaan cidi u baannayne
Ciiddiyo baddoo kugu qarxaa caafimaad ma lehe
Maroodigu hadduu cadho is galo looma caal helo’e
Wiyil caratay cuun geeda laa looga cararaaye
Aar soo cargaagtamey wuxuu cunoba naafeeye
Cabdulle Xasan baa nagu yiqiin col iyo laystaane
Cayuun Buule waa nagu ogaa Caliyo Haaruune
Calan-Sidiyo Waysaysaniyo Cawro iyo Siigo
Calaa-teri fardii la gala hadhay ciilka muu ledo
Cali Shiriyo Dhahar baa ogaa ceebihii dhacaye
Cumar iyo Dubays ways ogayn ciiro dirirkiiye
Cashadii Gadh baa Reer Garaad nagu ciseeyaaye
Calaamooyin kale buu nafluhu nagu canaantaaye
Wallee dirir nagu caajiyaan caalamkaa jirine.
Cumar Daahir waa lagu yaqaan col iyo laystaane
Ina Caliyo Tuur waa waxaan ciidda hoos marine
Waa waxaan cadaabkiina tegin cudurna naafayne
Cidhifkii Madheedhlay dagaal culus ka geysteene
Cidba nimaan ka dhalanoo horweyn caydhsadaan nacaye
Ma shaluu carceeraa ka ridey cudud-yarow
Khaalid Allaylehe bagaa loo casiley ways cajebiyeene
Cabbaar erigi maadays miyaa curaddo loo toogtey
Jidh-jidh geelka caanka ah markay caaro yari duushay
Caallaan sidanne sow haan-garneyl laguma ciil beelin?

Cidla’ geel-jirkoo ula baxiyo canugga mooyaane Carruurta iyo maatada haddii caano laga siiyo Cirir baa ku tuumada ninkii caawin weerara’e Colka ayda laga soo dhuraan cidina noo sheegin Iyagoo ciyaalkii nirgaa culus ka soocaaya Cas-casaanka waaberi miyaa nalagu ciireeyey? Kama cararo Mayliig raggii caanbaxa ahaaye Ku celceliye dhawr-qaad intay cagaha laabteene Soolomadow hadday carato waa ciidankii Yurube Cidhba gogolka liishaanku waa camaladdoodiiye Waa niman cayaarsiis la baray caynka Faransiise Cishiriin kun oo shiish yaqaan looma caal helo’e Abtidoonku waa cadow haddii caaro doox dhaco’e Cadaabkii ma tage Dhuux-Yaraa ceeb ka dhiidhiyaye Cadceed baa fardaa noo dhashoo waa cawo adduune Cismaan baa jareeyoo waqaan cududdu naafoone Cishii baa la doodoo gob bay caadadeed tahaye Cayn iyo Jaleeloba markuu calan-wallaysiiyey Cooflii magaaleed miyuu cagidi noo keenay Cabaadkii afdiinlaha miyaa cidina hayn weydey ‘Cara wira!’ ‘Mar soo roga!’ miyaa lagala caalwaayey Cagaar Kulule, Yayl iyo Dulgaal cagaha maw saarray? Kaba-Yare colkuu waday miyaa haadku ku casheeyey? Hadba cuurka soo hadha miyaa fuluhu coosh-cooshey? Cabbaarkiiba ba’ayeey miyay Canab la soo booddey ? Cawa-dhacayda naagaha miyaad ciyowgi Hawd mooddey? Cadiig baa ninkii loola hadhay cunaha weynaaye Geeddiga casuusta leh miyaa ciiro nala moodey? Ma shalaa tolkay Cimidh u degey cidhifkii Buuhoodle? Ma haddaan horweyn Ciid u baxay cidina eegaynin? Cirka kaa sarreeyiyo dhulkaan cidi u baannayne Ciiddiyo baddoo kugu qarxaa caafimaad ma lehe Maroodigu hadduu cadho is galo looma caal helo’e Wiyil caratay cuun geeda laa looga cararaaye Aar soo cargaagtamey wuxuu cunoba naafeeye Cabdulle Xasan baa nagu yiqiin col iyo laystaane Cayuun Buule waa nagu ogaa Caliyo Haaruune Calan-Sidiyo Waysaysaniyo Cawro iyo Siigo Calaa-teri fardii la gala hadhay ciilka muu ledo Cali Shiriyo Dhahar baa ogaa ceebihii dhacaye Cumar iyo Dubays ways ogayn ciiro dirirkiiye Cashadii Gadh baa Reer Garaad nagu ciseeyaaye Calaamooyin kale buu nafluhu nagu canaantaaye Wallee dirir nagu caajiyaan caalamkaa jirine. Cumar Daahir waa lagu yaqaan col iyo laystaane Ina Caliyo Tuur waa waxaan ciidda hoos marine Waa waxaan cadaabkiina tegin cudurna naafayne Cidhifkii Madheedhlay dagaal culus ka geysteene Cidba nimaan ka dhalanoo horweyn caydhsadaan nacaye Ma shaluu carceeraa ka ridey cudud-yarow Khaalid Allaylehe bagaa loo casiley ways cajebiyeene Cabbaar erigi maadays miyaa curaddo loo toogtey Jidh-jidh geelka caanka ah markay caaro yari duushay Caallaan sidanne sow haan-garneyl laguma ciil beelin?

Search