Ha Midowdo

Ilaahii makhluuqoo dhan iyo, dunidan meegaaray
Muslinnimo kolkuu soo dejay, ee Muxamed soo saaray(scw)
Ee magaca aan sheeganiyo, midabka noo yeelay
Ee uu madow nooga dhigay, amase maariinka
Ee uu mabada'a noogu xidhay, muuminnimo khaas ah
Wallee inuusan meeqaan xille iyo, meel xun noo dirine
Ma maroorto suu nala damcay, ee way macaan tahaye
Mana moogan tuu mudan yahee, mahadnaq weeyaane
Isagaa Macbuudkii ah oon, magan galaynaaye
Mana jiro wax kale oo maslaa, muran la'aantiiye
Rabbigay mid weeye ee, kuwii shan u malaynaayey
Kol haddaanay taanadii maqlayn, Muxamed noo sheegay(scw)
Muraad kama galayno ee, sidaa ha iska moodeene
Intaana gabaygii aan maaganaa, kaliya ma ahayne
Maansada marxaladii labaad, waan idiin marine
Qofkii helaya maan fiicanee, madax fayow haysa
Run la miidhay dhagihiisa, waa inaan ku miisaaye
Mudadii gumaysigu hantiyey, maamulkii dunida
Margiyada dad lago soo xidhoo, wada mareegaysan
Oo laga mulkiyey baa badnaa, waxay muhiibeene
Soomaalidase dhiig-miiradkii, kama macaashayne
Miskiin liita nagamaysan dhigan, oo midiidin ahe
Mulbis dhaqankayaga maysan badin, amase maydhaane
Mayalkaan u haynay iyo wax badan, maalin dirireede
Muruq baan ku difaaci jiray iyo, xoog mataano ahe
Inkastooy madaafiic wateen, mooto iyo saanad
Falaadh baan mariidka u daray, iyo maylinkii warane
Maarene baryaan ula tagniyo, waliba maadhiine
Milleteri gumaysi ah kolkaan, aragno muuqiisa
Dhaaxaay madluun iyo noqdeen, mayd la sii wado e
Soomaalina macnaa lagu yaqaan, meel ay joogtaba e
Oo waa hiddaha noo macaan, malab sidiisiiye
Mar kastana ma moogaano ee, waa naga dhex muuqdaaye
Wax ka mid ah annagu waa mamnuuc, inaan dad maagnaaye
Waliba kii marooraan nidhaa, maandhow naga daaye
Durba gawrac kuma miijinno, ee waw miyirinaaye
Qoladaan maslaxadaa tusno, een maaro uga weyno
Annagoo hadday muruq is bidi, kaga mildhaawaynin
Murugtaye dharbaaxaan indhaha, kaga malaasnaaye
Magligaan u haynaan wadnaha, kaga mudaynaaye
Midigtaanu ugu dhiibi kaa, mawd hadduu rabaye
Sidaan qeyrkiiba u madhin jirraa, loo makalayaaye
Mililkiisa goortuu arkuu, mood na dhahayaaye
Mabdi'ii dadkeenii hore iyo, marinkuu noo jeexay
Maqalnay oo sidaasaan ahayn, moogadii hore e
Maskaxdiyo ogow geesinimo, maankii lagu beerye
Ilaahii makriga soo dajaa, maydhi kara taase
Haddii nala mahoobiyahayoon, madaqsi diidayno
Mudacnay ee gartii aan lahayn, kii na marin waayey
Mardabo iyo qalooc iyo hadduu, muran lasoo joogo
Malkadaan ka dhiidhiyi jiray, buu milaygu joogaaye
Magaceenu Soomaaliyeey, wuu murtudayaaye
Waa in loo miciinaa hadduu, muusanoow yahaye
Kuwii mooradeenii degayee, dhacayey maalkeena
Waxaynu saaka uga maagannaa, waa macno la'aane
Malaxdaa bislaatay iyo haddaan, maasha sari weyno
Minjaheena saasuu dhidhkii, ugu maleegnaane
Naftu inay maqnaatiyo, inay mahad ku noolaato
Maaweelis weeyaan haddii, mid u dhexeeyaaye
Sayid Maxamed maansadii ku mari, waanad maqasheene
Murti kale haddaad fiirisaan, waxan ku maahmaahnay
Warankaagu ruuxuusan mudin, weedh la marin waaye
Midowgii Soofiyeeti iyo hubkii, Moosko laga keenay
Muqdishana kasoo degi jiray, oo mudhuxsan baa yaalle
Micnihiisa nimankaa bartay ee, kala madhow heedhe
Miinshaar wax goysiyo, haddaad miige wadataane
Dagaalkaa miskaha soo duwee, macasha noo dhiibtay
Mintid kaliya lama doonayee sii malmala kow dheh
Marsada uu cadaawuhu dego, ee lagu malaynaayo
Ilaalada ku meermeeriyoo, ha iska miriqshaanto
Shanqadhooda goortii mugdi ah, maala dhagihiina
Maalintiina muuq iyo bidhaan, milicsadoo eegta
Mutux yuu ahaan kiinuye, waa inaad magoogtaane
Ragna maqaalufaa toosisee, mihindis foolaada
Ismaan raaca towfiiqdu, waa lagama maarmaane
Miidaanka goortaad heshaan, midig u liishaama
Miisaan dabkiina u rida oo, waliba moogaysta
Mar kastaba dhufayskay galaan, meylal kor u dhaafa
Dharaartii midhaysiga ku dila, mira habaynkiina
Xaqeena oo markhaati raggii, maydhaxda u gooyey
Malabkuu bartaye waa inay, dacar magawstaaye
Masiibo waa inay kala kulmaan, malafsigeeniiye
Waa inaan muudsada nidhaa, mur iyo waabeeye
Haddaan maanta Soomaliyey, ceebta laga maydhan
Nafta aynu maradhaadhin ee, madhax la doonayno
Musaraar-dilaac bay u dhiman, ciilna way mudane
Magawdaye haddaan Eebahay, naga madoobaynin
Libtiyo maadu Soomaaliyey, waa inoo madale
Inaga ma aha fulay maarsadoo, dib u majiirtaaye
Makhribkii inoo weerar iyo, mawjad kicis weeye
Saqda maax gudoodiga dhulkaan, mee is nidhi weeye
Intaan milicdu soo bixin dhaqsaba, gaadh madada weeye
Ku madkeeya shiil iyo maddane, oo marmari weeye
Maaleeye dhiig kaga quboo, goo minjaha weeye
Mid ka fiiga daayoo inaan, murugsanaa weeye
Miciyaha inaan kaga ridnaa, qool midi leh weeye
Mas yidhi liq Biciidkaa sidii, ha u maragado weeye
Goroyadu murriyadday cuntay, ooy soo mantagi weeye
Musuqiyo waxay maasuqeen, ooy mag dhabi weeye
Maatidana guushaad hesheen, ugu madiix weeye
Oo ha midowdo Soomaalidii, kala maqnayd weeye

Ilaahii makhluuqoo dhan iyo, dunidan meegaaray Muslinnimo kolkuu soo dejay, ee Muxamed soo saaray(scw) Ee magaca aan sheeganiyo, midabka noo yeelay Ee uu madow nooga dhigay, amase maariinka Ee uu mabada'a noogu xidhay, muuminnimo khaas ah Wallee inuusan meeqaan xille iyo, meel xun noo dirine Ma maroorto suu nala damcay, ee way macaan tahaye Mana moogan tuu mudan yahee, mahadnaq weeyaane Isagaa Macbuudkii ah oon, magan galaynaaye Mana jiro wax kale oo maslaa, muran la'aantiiye Rabbigay mid weeye ee, kuwii shan u malaynaayey Kol haddaanay taanadii maqlayn, Muxamed noo sheegay(scw) Muraad kama galayno ee, sidaa ha iska moodeene Intaana gabaygii aan maaganaa, kaliya ma ahayne Maansada marxaladii labaad, waan idiin marine Qofkii helaya maan fiicanee, madax fayow haysa Run la miidhay dhagihiisa, waa inaan ku miisaaye Mudadii gumaysigu hantiyey, maamulkii dunida Margiyada dad lago soo xidhoo, wada mareegaysan Oo laga mulkiyey baa badnaa, waxay muhiibeene Soomaalidase dhiig-miiradkii, kama macaashayne Miskiin liita nagamaysan dhigan, oo midiidin ahe Mulbis dhaqankayaga maysan badin, amase maydhaane Mayalkaan u haynay iyo wax badan, maalin dirireede Muruq baan ku difaaci jiray iyo, xoog mataano ahe Inkastooy madaafiic wateen, mooto iyo saanad Falaadh baan mariidka u daray, iyo maylinkii warane Maarene baryaan ula tagniyo, waliba maadhiine Milleteri gumaysi ah kolkaan, aragno muuqiisa Dhaaxaay madluun iyo noqdeen, mayd la sii wado e Soomaalina macnaa lagu yaqaan, meel ay joogtaba e Oo waa hiddaha noo macaan, malab sidiisiiye Mar kastana ma moogaano ee, waa naga dhex muuqdaaye Wax ka mid ah annagu waa mamnuuc, inaan dad maagnaaye Waliba kii marooraan nidhaa, maandhow naga daaye Durba gawrac kuma miijinno, ee waw miyirinaaye Qoladaan maslaxadaa tusno, een maaro uga weyno Annagoo hadday muruq is bidi, kaga mildhaawaynin Murugtaye dharbaaxaan indhaha, kaga malaasnaaye Magligaan u haynaan wadnaha, kaga mudaynaaye Midigtaanu ugu dhiibi kaa, mawd hadduu rabaye Sidaan qeyrkiiba u madhin jirraa, loo makalayaaye Mililkiisa goortuu arkuu, mood na dhahayaaye Mabdi'ii dadkeenii hore iyo, marinkuu noo jeexay Maqalnay oo sidaasaan ahayn, moogadii hore e Maskaxdiyo ogow geesinimo, maankii lagu beerye Ilaahii makriga soo dajaa, maydhi kara taase Haddii nala mahoobiyahayoon, madaqsi diidayno Mudacnay ee gartii aan lahayn, kii na marin waayey Mardabo iyo qalooc iyo hadduu, muran lasoo joogo Malkadaan ka dhiidhiyi jiray, buu milaygu joogaaye Magaceenu Soomaaliyeey, wuu murtudayaaye Waa in loo miciinaa hadduu, muusanoow yahaye Kuwii mooradeenii degayee, dhacayey maalkeena Waxaynu saaka uga maagannaa, waa macno la'aane Malaxdaa bislaatay iyo haddaan, maasha sari weyno Minjaheena saasuu dhidhkii, ugu maleegnaane Naftu inay maqnaatiyo, inay mahad ku noolaato Maaweelis weeyaan haddii, mid u dhexeeyaaye Sayid Maxamed maansadii ku mari, waanad maqasheene Murti kale haddaad fiirisaan, waxan ku maahmaahnay Warankaagu ruuxuusan mudin, weedh la marin waaye Midowgii Soofiyeeti iyo hubkii, Moosko laga keenay Muqdishana kasoo degi jiray, oo mudhuxsan baa yaalle Micnihiisa nimankaa bartay ee, kala madhow heedhe Miinshaar wax goysiyo, haddaad miige wadataane Dagaalkaa miskaha soo duwee, macasha noo dhiibtay Mintid kaliya lama doonayee sii malmala kow dheh Marsada uu cadaawuhu dego, ee lagu malaynaayo Ilaalada ku meermeeriyoo, ha iska miriqshaanto Shanqadhooda goortii mugdi ah, maala dhagihiina Maalintiina muuq iyo bidhaan, milicsadoo eegta Mutux yuu ahaan kiinuye, waa inaad magoogtaane Ragna maqaalufaa toosisee, mihindis foolaada Ismaan raaca towfiiqdu, waa lagama maarmaane Miidaanka goortaad heshaan, midig u liishaama Miisaan dabkiina u rida oo, waliba moogaysta Mar kastaba dhufayskay galaan, meylal kor u dhaafa Dharaartii midhaysiga ku dila, mira habaynkiina Xaqeena oo markhaati raggii, maydhaxda u gooyey Malabkuu bartaye waa inay, dacar magawstaaye Masiibo waa inay kala kulmaan, malafsigeeniiye Waa inaan muudsada nidhaa, mur iyo waabeeye Haddaan maanta Soomaliyey, ceebta laga maydhan Nafta aynu maradhaadhin ee, madhax la doonayno Musaraar-dilaac bay u dhiman, ciilna way mudane Magawdaye haddaan Eebahay, naga madoobaynin Libtiyo maadu Soomaaliyey, waa inoo madale Inaga ma aha fulay maarsadoo, dib u majiirtaaye Makhribkii inoo weerar iyo, mawjad kicis weeye Saqda maax gudoodiga dhulkaan, mee is nidhi weeye Intaan milicdu soo bixin dhaqsaba, gaadh madada weeye Ku madkeeya shiil iyo maddane, oo marmari weeye Maaleeye dhiig kaga quboo, goo minjaha weeye Mid ka fiiga daayoo inaan, murugsanaa weeye Miciyaha inaan kaga ridnaa, qool midi leh weeye Mas yidhi liq Biciidkaa sidii, ha u maragado weeye Goroyadu murriyadday cuntay, ooy soo mantagi weeye Musuqiyo waxay maasuqeen, ooy mag dhabi weeye Maatidana guushaad hesheen, ugu madiix weeye Oo ha midowdo Soomaalidii, kala maqnayd weeye

Search