Gunburo

Gelin dhexe xalaan Maxamadow geyrtay oo kacaye,
Gam’ina waayey hadalkay i tiri gacallow naagtiiye,
Adigay gabley tiri markaad gaaska wadateene.
Waxay tiri adaa igu gondolay garangartaan iile,
Waxay tiri aday guridhigoo ma lihi gaadiide,
Waxay tiri adaa gelengel tubay garayartaydiiye,
Waxay tiri guyaalkii adaa gaajo ii dilaye,
Waxay tiri gurboodkii adaa geesuhuu dhigaye
Guhaadeeda aan jirin balaan gabay ka soo qaado
Gumburo iyo cagaarweyne iyo geedkii Daratoole
Goobtii Jidbaaliyo Xargaga guuldarradii joogtay
Gembigii ka dhacay Ruuga iyo gudurigii haagay
Gabooddeeda Beerdhiga wixii la isku gooraama
Maydkii gabraday seerigay Good ku tumanaysay
Gawarkaad maraysaba laftaad galayaxaa mooddo
Ogaadeenka gaanka ah wixii geydho laga qaaday,
Iiddoor cayuun godan wixii gelin la waydaarshay,
Shirshooraha gudbani cayr wuxuu gorof la meeraystay
Garcas iyo Majeerteen wixii guuyo laga dhaarsha
Gob ninkii ahaan jirey wuxuu gibil madoobaadey
Giddigiis naflaa’iga wixii gobolba meel aaday
Dayuuradaha gowliyo wixii samada guuraayey
Daarihii gelgelintaa noqdiyo gebiyadii ciiray
Wixii guuldarriyo hoog ka dhacay dunida guudkeeda
Gembiyo jahaadkii arlada gaday wixii joogay
Gaaliyo Daraawiish wixii uunka kala gaaray
Keligey ma wada geysannine la isku geeryooye
Geyigii rogmaday oo dhan baad guudka ii suriye
Waxbana hay gurraynine dembaad galabsanaysaaye
Gartaa maaha naag yahay inaad ii gilgilataaye
Gashi kaama qabo oo ma layn gabannadaadiiye
Gambana kaama furan baan u fili gulufyadaydiiye
Naa gefkiyo beenta daa yadan gelin godadkii naareede

Gelin dhexe xalaan Maxamadow geyrtay oo kacaye, Gam’ina waayey hadalkay i tiri gacallow naagtiiye, Adigay gabley tiri markaad gaaska wadateene. Waxay tiri adaa igu gondolay garangartaan iile, Waxay tiri aday guridhigoo ma lihi gaadiide, Waxay tiri adaa gelengel tubay garayartaydiiye, Waxay tiri guyaalkii adaa gaajo ii dilaye, Waxay tiri gurboodkii adaa geesuhuu dhigaye Guhaadeeda aan jirin balaan gabay ka soo qaado Gumburo iyo cagaarweyne iyo geedkii Daratoole Goobtii Jidbaaliyo Xargaga guuldarradii joogtay Gembigii ka dhacay Ruuga iyo gudurigii haagay Gabooddeeda Beerdhiga wixii la isku gooraama Maydkii gabraday seerigay Good ku tumanaysay Gawarkaad maraysaba laftaad galayaxaa mooddo Ogaadeenka gaanka ah wixii geydho laga qaaday, Iiddoor cayuun godan wixii gelin la waydaarshay, Shirshooraha gudbani cayr wuxuu gorof la meeraystay Garcas iyo Majeerteen wixii guuyo laga dhaarsha Gob ninkii ahaan jirey wuxuu gibil madoobaadey Giddigiis naflaa’iga wixii gobolba meel aaday Dayuuradaha gowliyo wixii samada guuraayey Daarihii gelgelintaa noqdiyo gebiyadii ciiray Wixii guuldarriyo hoog ka dhacay dunida guudkeeda Gembiyo jahaadkii arlada gaday wixii joogay Gaaliyo Daraawiish wixii uunka kala gaaray Keligey ma wada geysannine la isku geeryooye Geyigii rogmaday oo dhan baad guudka ii suriye Waxbana hay gurraynine dembaad galabsanaysaaye Gartaa maaha naag yahay inaad ii gilgilataaye Gashi kaama qabo oo ma layn gabannadaadiiye Gambana kaama furan baan u fili gulufyadaydiiye Naa gefkiyo beenta daa yadan gelin godadkii naareede

Search