Gobanimo & Galool

Diintaan ku gabowney baan gambinnee,
Ayaan cidi guursan gabdhaheennee,
Soomaaliyey giddigiin gartaa naqa oo,
Maxaa la gudboon oo garab yaal oo,
Maxaynnu gobannimada siinnaa?

Nin iilka galaa isagoo gob ah,
Luxudkuu ku gam’aa ma soo gudbiyee,
Idinkoo gun ah waydinkaa go’ayee,
Soomaaliyey giddigiin gartaa naqa oo,
Maxaydin ku garawsan geerida?

Hangool iyo gudin gar iyo xadhig,
Aqalkaa la galiyo dhuxusha giniga ah,
Geedkaa ina deeqey gebigeen,
Gadniin Iglan goosan kari maysee,
Soomaaliyey giddigiin gartaa naqa oo,
Galoolka maxaynnu siinnaa?

Wuxuu galo iyo wuxuu gudo,
Gasiirad kuwaa go’doon ku noqdee,
Isguud baxay baa dal garanaayee,
Inaan ku gargaarno gaalada iyo
Inaan ka guddoonno Guullahay,
Mid uun labadaa inoo gooyoo,
Soomaaliyey giddigiin gartaa naqa oo,
Maxaynnu geyigeenna siinnaa?

Diintaan ku gabowney baan gambinnee, Ayaan cidi guursan gabdhaheennee, Soomaaliyey giddigiin gartaa naqa oo, Maxaa la gudboon oo garab yaal oo, Maxaynnu gobannimada siinnaa? Nin iilka galaa isagoo gob ah, Luxudkuu ku gam’aa ma soo gudbiyee, Idinkoo gun ah waydinkaa go’ayee, Soomaaliyey giddigiin gartaa naqa oo, Maxaydin ku garawsan geerida? Hangool iyo gudin gar iyo xadhig, Aqalkaa la galiyo dhuxusha giniga ah, Geedkaa ina deeqey gebigeen, Gadniin Iglan goosan kari maysee, Soomaaliyey giddigiin gartaa naqa oo, Galoolka maxaynnu siinnaa? Wuxuu galo iyo wuxuu gudo, Gasiirad kuwaa go’doon ku noqdee, Isguud baxay baa dal garanaayee, Inaan ku gargaarno gaalada iyo Inaan ka guddoonno Guullahay, Mid uun labadaa inoo gooyoo, Soomaaliyey giddigiin gartaa naqa oo, Maxaynnu geyigeenna siinnaa?

Search