Geela

Gugucdeeda arooryiyo
Isku gaagixinteeda
Away gooha wanaajaay
Gurxankii habilaad?!

Haddii giirku dareero
Barqin loo ganbaraasho
Adhina bowdka ku gaabto
Guduudkeeda arooryo
Indhaha waa gashinkoodee
Away reera gobeeyaay
Xeryihii ginginnaa?!

Cirka oo geddawaamay
Dayaxoo galka diidey
Dhulka oo gasariiray
Dhirta oo gabalkeed iyo
Garaskiiba hadh waayay
Caanahii gaasir noqdeen
Iyadaa la gumriyoon
Qareenkeeda gabayne
Away geedaha laacaay
Xunbadii gedfaneyd?!

Gabxo daalalliyaad oo
Gaasaar looga hayaamay
Kolka waagu guduuto
Koronkeeda la gaato
Haddaan soo garbadduboo
Ganka loo kabadeeyo
Anbaalkii gudbanaa iyo
Gantaalow udubkii
Xadhko loogu guntaayoo
In gaadanliyo dhiil iyo
Garaddii waxartii iyo
Gurboodkii yaryaraa iyo
Gardhaalay nirigtii iyo
Midka gaadha tolaayiyo
Kan gamuunka duleeshiyo
Gaallefay mindidii iyo
Intaasaan guradiisa
Gaarba gaar u dhigaa;
Dhigihii godgodnaa iyo
Lammadii gedfanayd,
Haddii aan geb ku siiyoo,
Xadhkihiisa u giijo
Asaan heegga ka gooyo
Galow buu u kacaayo
Haddii wiilku gadh qaado
Gurguurtow lama gaadhee,
Away gaatamahii?!

Gugucdeeda arooryiyo Isku gaagixinteeda Away gooha wanaajaay Gurxankii habilaad?! Haddii giirku dareero Barqin loo ganbaraasho Adhina bowdka ku gaabto Guduudkeeda arooryo Indhaha waa gashinkoodee Away reera gobeeyaay Xeryihii ginginnaa?! Cirka oo geddawaamay Dayaxoo galka diidey Dhulka oo gasariiray Dhirta oo gabalkeed iyo Garaskiiba hadh waayay Caanahii gaasir noqdeen Iyadaa la gumriyoon Qareenkeeda gabayne Away geedaha laacaay Xunbadii gedfaneyd?! Gabxo daalalliyaad oo Gaasaar looga hayaamay Kolka waagu guduuto Koronkeeda la gaato Haddaan soo garbadduboo Ganka loo kabadeeyo Anbaalkii gudbanaa iyo Gantaalow udubkii Xadhko loogu guntaayoo In gaadanliyo dhiil iyo Garaddii waxartii iyo Gurboodkii yaryaraa iyo Gardhaalay nirigtii iyo Midka gaadha tolaayiyo Kan gamuunka duleeshiyo Gaallefay mindidii iyo Intaasaan guradiisa Gaarba gaar u dhigaa; Dhigihii godgodnaa iyo Lammadii gedfanayd, Haddii aan geb ku siiyoo, Xadhkihiisa u giijo Asaan heegga ka gooyo Galow buu u kacaayo Haddii wiilku gadh qaado Gurguurtow lama gaadhee, Away gaatamahii?!

Search