Gardarniyaa

Intaan adiga kugu gooni ahaa geed hadaan la hadlo
Ama aan gawaan qodayo may gama’sanaateene
Gaaladu ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene
Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey?
Sidii aad go’aygii tahiyo macawistaan goostay
Ama aad godkii aakhiriyo geeri iga baajin
Ama aan gayiga lagu ogayn gabadh kaloo joogta
Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey?
Gadiidkii aan toosaba adaan kuu guntanayaaye
Goobtaan istaagaba dhulkaan godad ka jeexaaye
Sidii aad gidaar tahay maxaa kaa igarab taagay?
Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey?

Mana goosan kari waayin oo geesi baan ahaye
Adaan kaa gungaadhaayey oo helay guntaadiiye
Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey?
Haatanse waan guursan hadii guule ii wacaye
Oon weliba gedahaaga ka dayan goboladiiniiye
Iyadoo gadiid u eg markaan Gu’ga kaxaynayo
Ee aan Gahaydhiyo la tago Gubanadii Hawdka
Ee aan ganuunta ugu shubo gooha labankeda
Geblayda iyo ciyaaraha markuu geeljiruhu tumayo
Ha gayoobin, waataad lahayd gool jabaan helaye.

Intaan adiga kugu gooni ahaa geed hadaan la hadlo Ama aan gawaan qodayo may gama’sanaateene Gaaladu ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey? Sidii aad go’aygii tahiyo macawistaan goostay Ama aad godkii aakhiriyo geeri iga baajin Ama aan gayiga lagu ogayn gabadh kaloo joogta Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey? Gadiidkii aan toosaba adaan kuu guntanayaaye Goobtaan istaagaba dhulkaan godad ka jeexaaye Sidii aad gidaar tahay maxaa kaa igarab taagay? Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey? Mana goosan kari waayin oo geesi baan ahaye Adaan kaa gungaadhaayey oo helay guntaadiiye Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey? Haatanse waan guursan hadii guule ii wacaye Oon weliba gedahaaga ka dayan goboladiiniiye Iyadoo gadiid u eg markaan Gu’ga kaxaynayo Ee aan Gahaydhiyo la tago Gubanadii Hawdka Ee aan ganuunta ugu shubo gooha labankeda Geblayda iyo ciyaaraha markuu geeljiruhu tumayo Ha gayoobin, waataad lahayd gool jabaan helaye.

Search