Dix Dhagaxeed

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeede
Shin kastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaa waad ku dayataaye
Haddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyo
Uu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darrandoorriyuu duubo madaxiisa
Debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaaye
Haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashade
Jeeroon direyska u gashoon dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee waa dig siin jiraye
Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonye
Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa
Degmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye
Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa'in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye
Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e
Nin ka duday distoorka iyo waxyiga diinti ka carrowye
Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiye Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeede Shin kastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso Dibnahaagu shaygay bartaa waad ku dayataaye Haddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalin Oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo Uu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyo Uu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayo Uu cidhibta darrandoorriyuu duubo madaxiisa Debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaaye Haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacin Gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashade Jeeroon direyska u gashoon dibeda soo taago Daleen aniga iigama tagee waa dig siin jiraye Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga qaaday Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye Soomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonye Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa Degmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeeda Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa'in abidkiise Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e Nin ka duday distoorka iyo waxyiga diinti ka carrowye Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Search