Dib U Joogso

Caliyow dabuubtaada gabay Daayinkaa wadaye
Dabaylaha xagaagee dhiciyo daafigaa sidaye
Noo dooji dooggiyo sidii dararta xoolaade
Diirkiyo laftuu xuley hadduu hadal wax daaweyne
Dadkuna uma sinnee reer tolkey dacar ku nooleeye
Anna waan ku diirsadey Ilaah derejo siiyoowe
Daaraan garbaha qoon ku laad damaqday
Dhuuxoowe Dibirrooti buu dhacay raggaad daabaqadiseene
Waa gobol dillaacid iyo ciil dibinta ruugaaya
Iyo gobol rundada oo fadhiya dagada weeyaane
Dib u joogso! Waan kula dacwiyi doodna waan celine
Dab baad ololisaa kumana gubo daayin abidkaaye
Intaad dogob shiddaa baad taqaan diradirayn jaane
Degelkaad fadhido saw gubee dogob ka qiiqaabay
Hadday daacad xaajadu tahoon lagu dambaabeynin
Danbaabudhada naareed haddaan dhinacu dooneynin
Waar seeddow maxaad noogu digan dakharku waa kiinne
Goormayse degmada noo miyeen? Dawgal baa jiraye
Daldhahsiga dinaasaca la mood doog inaan ahaye
Is-daleemintaydaa ninkii dagani eedaaye
Dubbihii ku dhacay Ina Barwaaq dayi ad maysaane
Daadduunka caydheed raggaa debedda meeraaya
Docmo iyo Hartaa lagu ogaa dalawadoodiiye
Cali-Geriga Daadhiin shalay naga durduurteene

Waa kaa darfiyey caanihii Degiyo Heemaale
Anna waxaan dibbirey waa dagaal deyro soo xulaye
Nimay gacantu daabburo tiqiin beri hadduu daayo
Uu yara daleensado intii duco san loo yeelo
Danban maayo waagay xubnuhu yara dubaaxshaane
Inaad deysid beel dagan adoon dani ku seeteynin
Dabcigeedba yaa kugu yiqiin digasho mooyaane
Hadday debecdo wow hiiliyaa doqon walaalkeede
Diiftiyo ushay garan intaad dayada haysaane
Dunna hadaanad ii tarin maxaad iigu dana sheegan?
Duunyada fardaha maalintaad Dalab ku qaadeysey
Sida duul Amxaara ah markaad nagu dabreyneysey
Intaad haatan ii laba dubleyn muu damqado jiidhku
Daarood Ismaaciil ahaan maad u soo dirirtid?
Daabaca ninkii kugu dhuftee daabka kuu celiyey!
Iyo kii duleeshay ku yidhi wax isma dhoorshaane
Dakanadeyda yaa kaa xigood igu danayn haatan?
Aar soo dib jirey neef hadduu daacuftii geliyo
Uu kaga digsiiyuu ilkaha dhiigga kaga daadsho
Dugaaggaa yaryari saw ka cuna duudka hadha maaha?
Aday dilaye goormaa Isaaq Doollo iga qaaday?
Maxaa libinta Daarood lahaa Daba-Cayuun siiyey?
Haddayse Dubu-Xul uga heesayaan dacarna waan siine
Ma wayse haatan daab iyo ul iyo kaga cabbaan dawlis?

Usha daalis oo dibi dhaloon loo danbarineynin
Oo kii lahaa diiday bay sidigtu doontaaye
Kuwaan derisney dooxeer haddan sebenkan daaduunsho
Waxa adiga duug kaaga noqon yeyga degi waayey
Gabdhaha doonan dadabtaan dhisniyo xidid dariiqeynta
Kuwaan dihanay diricay dhaleen waa dareemada’e
Muslinka hayga didin yaan Ibleys dawyo kaa ridine
Darka jabay dilaalkiyo dhulkuu dabadku meeraayo
Deeqlaha Ilaahay dhulkuu xuliyey daadkiisa
War ii daa dugaagiyo Hartey igaga deyraane
Iiddoor Dir weeyee hadduu duullan soo bixiyo
Dunji Habar Magaadluhu hadduu dabarka soo goosto
Dunbiqiyo rasaastana hadduu Debecsanuu siiyo
Horta yaa la da’ ah way la yaab dawyadaad xuliye
Colaadda Iyo Nabadda Ogaadeen ka daan iyo ka daan
Doollo soo gudubye Diinkaan akhriyey way ka iman
Doy raggii jiraye Dunji maalintaa waxa qabtaan waan u daahirine
Ma demeniye deynkeyga waan deba gelaayaaye.
Idinkuba darkii Caynobaad deris ku taalliine
Dagaallama rag doorkii la laa duubcaddii
Hagare Amana daa waan wada qabnaa daawashiyo ceebe

Caliyow da’daan ahay waqaa looma duur-xula’e
Duq gaboobey iyo wiil-yar baa loo dedaa hadale
Diirkaan ka garan xaajadaad dabaqa saartaane
Ma dumaalo naagaha ninkay nolol ku deyrshaane
Nin walaalkii doorsaday Ilaah derejo siin waaye
Dalkaad ina adeerka dhigtaad weli degeysaaye
Baadida nin baa kula deydaya daalla kaa badane
Oon dooni heyn inaad heshana daayin abidkiise
Dadkuna moodi duul wada dhashoon wax u dahsoonayn
Dallana ma laha Aakhiro haddii loo Kitaab dayo’e
Dillaaliyo malaal wuxuba waa Carabta diirkeed’e
Dibnihiinna uun baan galoo way duddubiseene
Alley diliye Iiddoor adaa iiga sii darane

Share on facebook
Share on twitter
Share on print
Share on email

Search