Dhabba Waliba Ceelkeed

Dhabba waliba ceelkeed
Ummad waliba dhaqankeed
Dhalashana tixraaceed
Dhegtu sheeko doontaye
Dhar maxaan lahaan jiray
Maxaan xoolo dhaqan jiray
Maalintay dhannaantahay
Dhulka yaa u halgami jiray
Geesiga u dhiidhiyey
Yaa dhiiga kicin jiray
Dhinte yaa xogtiisa og
Taariikhda yaa dhiga
Dhidibkeedu waa kuma
Dhug u yeesha maansada
Hiddihiina dhaabane
Murtidiina dhuuxa ah
Suugaanta dhumucda leh
Hibadiina dhaladka ah
Dhaxalkiina weeyee
Dhawrta idinkaa lee

Dhabba waliba ceelkeed Ummad waliba dhaqankeed Dhalashana tixraaceed Dhegtu sheeko doontaye Dhar maxaan lahaan jiray Maxaan xoolo dhaqan jiray Maalintay dhannaantahay Dhulka yaa u halgami jiray Geesiga u dhiidhiyey Yaa dhiiga kicin jiray Dhinte yaa xogtiisa og Taariikhda yaa dhiga Dhidibkeedu waa kuma Dhug u yeesha maansada Hiddihiina dhaabane Murtidiina dhuuxa ah Suugaanta dhumucda leh Hibadiina dhaladka ah Dhaxalkiina weeyee Dhawrta idinkaa lee

Search