Dadkaan Dhawaaqayaa

Dadkaan dhawaaqayaa
dhulkooda doonayaa
hadday u dhiidhiyeen
Allaahayow u dhiib
Waxaan la dhuubnaheen
kiskayga dhaaawacaan
idiin dhamaynayaa
dhegaa ma leedihiin?
Misee dar dhoohanoon
dhagaysan waanadoo
warkaygu dhaafayoo
dhufaanan baad tihiin?
Dhurwaaga meerayaa
habeenka uu dhacuu
dhacaama jiirayaa
dhereg ayuu sitaa
Dhurdaha duulayaa
dhirtuu dalooshadaa
malabka uu dhigtuu
jilaalka dheer cunaa

Dadkaan dhawaaqayaa dhulkooda doonayaa hadday u dhiidhiyeen Allaahayow u dhiib Waxaan la dhuubnaheen kiskayga dhaaawacaan idiin dhamaynayaa dhegaa ma leedihiin? Misee dar dhoohanoon dhagaysan waanadoo warkaygu dhaafayoo dhufaanan baad tihiin? Dhurwaaga meerayaa habeenka uu dhacuu dhacaama jiirayaa dhereg ayuu sitaa Dhurdaha duulayaa dhirtuu dalooshadaa malabka uu dhigtuu jilaalka dheer cunaa

Search