Calanyohow Walhanayaa

Calanyahow walhanayaa adaan kuu warramayaaye
Mid wasaaraddiisii gabtoo weeran baad tahay
Laguu waa’ wakiil sida Jamaal waabsha gaalada e’
Wallaahiye anigu kuuma ogi wiilal kuu maqane
Waddankaad ku dheeraan lahayd waa iibsadaye
Raggii adiga waax kugu lahaa waa la weecsadaye
Wasiirkii baxsani maalintuu Waashitoon ka hadlaayey
Suxufigu waraaqduu qoroo weedha fidinaayey
Warkii dunida lagu faafshey waad wada maqleyseene
NFD wareeggiidii hore waa horuu dhacaye
Wiglada iyo heesaha markii lagugu waalaayey
Heestay wilaanwilinayeen wey waddacayeene
Goortii walaal garab galiyo wehelba loo waayey
Haadkiyo waraabuhu ka dhereg walaqtankoodiiye
Waxba kama if joogaan kuwii galeyey Waajeere

Calanyahow walhanayaa adaan kuu warramayaaye Mid wasaaraddiisii gabtoo weeran baad tahay Laguu waa’ wakiil sida Jamaal waabsha gaalada e’ Wallaahiye anigu kuuma ogi wiilal kuu maqane Waddankaad ku dheeraan lahayd waa iibsadaye Raggii adiga waax kugu lahaa waa la weecsadaye Wasiirkii baxsani maalintuu Waashitoon ka hadlaayey Suxufigu waraaqduu qoroo weedha fidinaayey Warkii dunida lagu faafshey waad wada maqleyseene NFD wareeggiidii hore waa horuu dhacaye Wiglada iyo heesaha markii lagugu waalaayey Heestay wilaanwilinayeen wey waddacayeene Goortii walaal garab galiyo wehelba loo waayey Haadkiyo waraabuhu ka dhereg walaqtankoodiiye Waxba kama if joogaan kuwii galeyey Waajeere

Search