Calansaar

Abwaanku gabaygan waxa uu tiriyey 26 Juun 1960 habeenkii ay Soomaaliya xorriyadda ka qaadanaysey gumaysigii Ingiriiska. Waxa uu ka tiriyey Beerta Xorriyadda ee Hargeysa oo calanka lagu saarayey.

Waayadanba gabaygii ma odhan idibilkiisiiye
Ma aloosin maansooyinkii aan aaladayn jiraye
Waatii aan albaabada u xidhay tan iyo Iidiiye
Amin dhexe xalay uun bay hurdada ina ka muuqdeene
Aan alooso maantoo kalaaan ku istihaadaaye
Kolbaba wixii Ilaahay kuu gartaad ku intifaacdaaye
Abaal kaa maqnaan jiray hadduu Eebo kuu celiyo
Amaah raagtay dabadeed haddii aadyar lagu siiyo
Alxabdulilaah waa kuu banaan inaad odhaahdaaye

Istiqlaalka nala siiyey iyo amarka lay dhiibay
Afrikada xorawday iyo nasriga uunka wada gaadhay
Amin qaybta fiidka iyo saqdiyo oogta waaberiga
Iridaan ka meeraba kolkaan ku arko guudkayga
Inaan anigu keligay helay ila ahaataaye
Ayaan kaa lakala roon yihiyo ubudka xoolaaye
Inagaa aleylehe ka dhigan awliyoo kale’e
Inkastaba haddii lagu noqdoo abid la raacdeeyo
Ayaan inoola mid ah waa waxaan odeyna sheegayne
Axadii iyo Jimcii baan ninkii jirey ilaaabeyne
Arsaaqdii la raacdaynayey iyo waxaynu eegeynay
Inta badan hashii lagu dabcay ee awrka loo tu’iyey
Afarta iyo hashii toban bilood inanku raacaayey
Aloos curatay Soomaaliyey idil ahaanteene
Irmaanaatay Maandeeq haddii aad iman lahaydeene
Afarta naas waa hoorayaan sida iliileede
Aagaamihiyo dhiilashaan aad u culanayney
Ka ammuuga waataa muddaba umalsanaydeene
Afartaana waxuun lama eryee maysu wada eegay
Ma asteeyey beyd gaabku waa kala ilaabaaye
Sidii ilo biyalahoo rogmaday ma u eekeysiiyey
Anbaqaadka hadal runta u eeg baa lagu asiibaaye
Argagixiso waan tirin jiree erey yar baan baanay
Adduunkii ka kala qaadi jirey lays ammaan geliye
Isku darada soomaalidaan ku istareexaaye
Dadkeenii la kala oodi jirey wada akhwaanawye
Abtirsiintii tuurnay iyo aano reer hebele
Sidii geel abaar kala firdhaday laysu soo ololye
Ardayna macallinkii wax u dhigay aabo waw yahaye
Abaal baanu marin kii xornimo noo abaabulaye
Rabiyaw noo adkee calanku waa ururin doonaaye

Abwaanku gabaygan waxa uu tiriyey 26 Juun 1960 habeenkii ay Soomaaliya xorriyadda ka qaadanaysey gumaysigii Ingiriiska. Waxa uu ka tiriyey Beerta Xorriyadda ee Hargeysa oo calanka lagu saarayey. Waayadanba gabaygii ma odhan idibilkiisiiye Ma aloosin maansooyinkii aan aaladayn jiraye Waatii aan albaabada u xidhay tan iyo Iidiiye Amin dhexe xalay uun bay hurdada ina ka muuqdeene Aan alooso maantoo kalaaan ku istihaadaaye Kolbaba wixii Ilaahay kuu gartaad ku intifaacdaaye Abaal kaa maqnaan jiray hadduu Eebo kuu celiyo Amaah raagtay dabadeed haddii aadyar lagu siiyo Alxabdulilaah waa kuu banaan inaad odhaahdaaye Istiqlaalka nala siiyey iyo amarka lay dhiibay Afrikada xorawday iyo nasriga uunka wada gaadhay Amin qaybta fiidka iyo saqdiyo oogta waaberiga Iridaan ka meeraba kolkaan ku arko guudkayga Inaan anigu keligay helay ila ahaataaye Ayaan kaa lakala roon yihiyo ubudka xoolaaye Inagaa aleylehe ka dhigan awliyoo kale’e Inkastaba haddii lagu noqdoo abid la raacdeeyo Ayaan inoola mid ah waa waxaan odeyna sheegayne Axadii iyo Jimcii baan ninkii jirey ilaaabeyne Arsaaqdii la raacdaynayey iyo waxaynu eegeynay Inta badan hashii lagu dabcay ee awrka loo tu’iyey Afarta iyo hashii toban bilood inanku raacaayey Aloos curatay Soomaaliyey idil ahaanteene Irmaanaatay Maandeeq haddii aad iman lahaydeene Afarta naas waa hoorayaan sida iliileede Aagaamihiyo dhiilashaan aad u culanayney Ka ammuuga waataa muddaba umalsanaydeene Afartaana waxuun lama eryee maysu wada eegay Ma asteeyey beyd gaabku waa kala ilaabaaye Sidii ilo biyalahoo rogmaday ma u eekeysiiyey Anbaqaadka hadal runta u eeg baa lagu asiibaaye Argagixiso waan tirin jiree erey yar baan baanay Adduunkii ka kala qaadi jirey lays ammaan geliye Isku darada soomaalidaan ku istareexaaye Dadkeenii la kala oodi jirey wada akhwaanawye Abtirsiintii tuurnay iyo aano reer hebele Sidii geel abaar kala firdhaday laysu soo ololye Ardayna macallinkii wax u dhigay aabo waw yahaye Abaal baanu marin kii xornimo noo abaabulaye Rabiyaw noo adkee calanku waa ururin doonaaye

Search