Cabdulaahi Maxaa Qudha Loo Jaray?

Waxa gabayga loo qaadayaa waa qalqaalsamiye
Waxa geela qaaliga ka dhigay qiimuhuu yahaye
Qarfo Hawda waxa loogu wadi waa qatimayaaye
Fardaha qoolka waxa loogu guri qoob ka orodkiiye
Wax loo qaadan gaashaan inuu qaashka celiyaaye
Qadhle awra waxa loo rartaa qaadka iyo xooge
Qarash waxa magliga loogu guray qaab hakuu galo’e
Wax qabiibka loo tumanayaa qaarar gooyada Lo’da
Waxa qunbaha loogu luli qaabka dhayda ahe
Waxa qayli loo xidhanayaa qurux asluubeede
Qaraafiicda waxa loo toshaa saydha qodaxeede
Qoys weyn waxaa loo dhistaa qani gobaadeede
Waxa gabadh qaryada loo togtaa guur ha kuu qumo’e
Wax munaafaq loo quudhsadaa qawlka beenta ahe
Waxa qoorta loo jari kufriga qiil ku waajibaye
Waxa qaari loo raadsadaa waa qisada diine
Culimada waxaa loo quweyn waa qob iyo dhowre
Qalin duurre waxa looga tegey waa Qur’aan yariye
Cabdullaahi waxa loo qudh jaray waa qabiil li’iye
Qoon adag hadduu leeyahoon loo quturi haynnin
Qooq laguma toogteen ninkii qaaliga ahaaye
Qarqarada jinaadkii dhurwaa kuma quraacdeene
Intuu qalamsadoo cuno gadaal qaaqda ma hayeene
Qalbigay xumuunsada markaan qaalanow dayo’e
Qab iyo luuli qaabkuu lahaa qeeyadii midabka
Qarqarootintii socodka iyo qalanja laafyoodka
Qun u hadalka qaadhaanka geed quudka bixintiisa
Qasadkii buruudkiyo markay Qaawo ololayso
Qayraamintii waranka iyo qabas kulaylkiisa
Fulay baa qamaadee ninkii qalo la’aantiisa
Goortaan qiyaas fiiriyaa lay qunbiciyaaye
Qori deleb sidiisaa wadnaha lay qadh-qadhiyaane
Anaa quusan waayee bahdii qoonsi malahayne
Huwan qoorigeeda ha xushiyo qaara geedo lehe
Haw xilato qabay xoorleh iyo Qadow karuurkeede
Qol dugsoon intay jiifsadaan qaac ha loo shido’e
Kulligoodba qayl qayl dhaliyo qaraf ha eedeene
Waa qaran maxaa loo lahaa qolada Haaruuna?

Waxa gabayga loo qaadayaa waa qalqaalsamiye Waxa geela qaaliga ka dhigay qiimuhuu yahaye Qarfo Hawda waxa loogu wadi waa qatimayaaye Fardaha qoolka waxa loogu guri qoob ka orodkiiye Wax loo qaadan gaashaan inuu qaashka celiyaaye Qadhle awra waxa loo rartaa qaadka iyo xooge Qarash waxa magliga loogu guray qaab hakuu galo’e Wax qabiibka loo tumanayaa qaarar gooyada Lo’da Waxa qunbaha loogu luli qaabka dhayda ahe Waxa qayli loo xidhanayaa qurux asluubeede Qaraafiicda waxa loo toshaa saydha qodaxeede Qoys weyn waxaa loo dhistaa qani gobaadeede Waxa gabadh qaryada loo togtaa guur ha kuu qumo’e Wax munaafaq loo quudhsadaa qawlka beenta ahe Waxa qoorta loo jari kufriga qiil ku waajibaye Waxa qaari loo raadsadaa waa qisada diine Culimada waxaa loo quweyn waa qob iyo dhowre Qalin duurre waxa looga tegey waa Qur’aan yariye Cabdullaahi waxa loo qudh jaray waa qabiil li’iye Qoon adag hadduu leeyahoon loo quturi haynnin Qooq laguma toogteen ninkii qaaliga ahaaye Qarqarada jinaadkii dhurwaa kuma quraacdeene Intuu qalamsadoo cuno gadaal qaaqda ma hayeene Qalbigay xumuunsada markaan qaalanow dayo’e Qab iyo luuli qaabkuu lahaa qeeyadii midabka Qarqarootintii socodka iyo qalanja laafyoodka Qun u hadalka qaadhaanka geed quudka bixintiisa Qasadkii buruudkiyo markay Qaawo ololayso Qayraamintii waranka iyo qabas kulaylkiisa Fulay baa qamaadee ninkii qalo la’aantiisa Goortaan qiyaas fiiriyaa lay qunbiciyaaye Qori deleb sidiisaa wadnaha lay qadh-qadhiyaane Anaa quusan waayee bahdii qoonsi malahayne Huwan qoorigeeda ha xushiyo qaara geedo lehe Haw xilato qabay xoorleh iyo Qadow karuurkeede Qol dugsoon intay jiifsadaan qaac ha loo shido’e Kulligoodba qayl qayl dhaliyo qaraf ha eedeene Waa qaran maxaa loo lahaa qolada Haaruuna?

Search