Caashaqa

Caashaqa haween waa horaa Caadil soo rogaye
Sayidkii carshiga fuuliyo Caliba soo gaadhye
Caruurtay sideen meesha iyo Ciise nebigiiye
Cidla lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe
Waxa qaarba cayn looga dhigay hays cajabiyeene
Soomaalidaa caado xune iguma caydeene
Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye
Kuwii ii calaacalayay baan camal tusaalayne
Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo
Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya
Curuuqda maxaa kala dhex geli cadaha hoostooda
Ma ciidaamkanaan jabinayaa cunaya dhuuxooda
Inaanse cadaydo mooyee waxaan calalsho la’ii diidye
Caqliga yaa ka bi’in tuu Ilaah ku cir-caddaayeeyey
Cimrigayga oon jirin intii lagu ciroobaayey
Mugga inaan cadaadaan ka biqi Canab daraadeede
Cududuhu ma naaxaan haddaan caafimaad jirine
Casharkay wadaaddadu qoreen cudurkan goyn waaye
Cilmi iyo daawoba doontay oo waayay cilinkiiye
Inaan kaa calool go’ay naftay caymisoo ogiye
Jeeraan Canabeey ku helo caafimaad dhimaye
Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye
Ilayn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobay.

Caashaqa haween waa horaa Caadil soo rogaye Sayidkii carshiga fuuliyo Caliba soo gaadhye Caruurtay sideen meesha iyo Ciise nebigiiye Cidla lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe Waxa qaarba cayn looga dhigay hays cajabiyeene Soomaalidaa caado xune iguma caydeene Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye Kuwii ii calaacalayay baan camal tusaalayne Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya Curuuqda maxaa kala dhex geli cadaha hoostooda Ma ciidaamkanaan jabinayaa cunaya dhuuxooda Inaanse cadaydo mooyee waxaan calalsho la’ii diidye Caqliga yaa ka bi’in tuu Ilaah ku cir-caddaayeeyey Cimrigayga oon jirin intii lagu ciroobaayey Mugga inaan cadaadaan ka biqi Canab daraadeede Cududuhu ma naaxaan haddaan caafimaad jirine Casharkay wadaaddadu qoreen cudurkan goyn waaye Cilmi iyo daawoba doontay oo waayay cilinkiiye Inaan kaa calool go’ay naftay caymisoo ogiye Jeeraan Canabeey ku helo caafimaad dhimaye Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye Ilayn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobay.

Search