Caashaqa Ha Baayicin

Caashadu ilaahay
cirka taagay udubli
ciidana ka dhigay gogol
wabiyada cartamayiyo
cidhifyada bad kaga xidhay
iyo buuraahaa culus
cimrigeed aduunyadaa
waxa jiraa col iyo nabadee
caydhiyo nin xoola leh
iyo laba is caashaqay
caawana kamay tagin
caynkaynu ku ogeyn
adna calafka kuu qoran
cuuna seegi maayee
caashaqa ha baayicin
Cadadkuu ilaahay
caradeena joojee
aadan ciida ka alkumay
xaawana cadkiisiyo
feedh calaanta laga dhigay
cishadaa ma uuneyd
caawana ma nooshahay
caqliga sidaa hadalkuye
carab dalab la sheegee
ceeryaamo iyo boodh
ciiro ha isku qarinine
noloshayda caydh iyo
cilmi guraan ku fadhiyin
ku caar caari maaye
caashaqa iska ilow
Xalaytabao caweskii
canabay daruuruuhu
cimidh bay ahaayeen
caawana lagu ma oga
wakhtigii ku ciiliyo
cisigiyo wanaaguna
way is daba caraabaan
waxana kuu cadayn kara
caamiyaha indhaha liyo
ma ogtahay curyaankaba
cago loo ma waayine
caynkaa wax loo yidhi
ku wa cararayee ladan
inay ku cibro qataan
caashaqa ha baayicin
Bada caarid maalmaha
cawa daranta fiidkiyo
caddadaa walaala
cadcedii timaadaan
dadka ruux cadibanoo
waayhuu ku ciiriyo
mid caruusa yaa jiroo
caad iga ma saarnee
ee cilmiyada ilaahay
anigoon aan casiyin
cabsi ha igu galine
adigoon cuud dhaqan
caashaqan ku taabtaan
cudurdaar u yeelee
ceeb kale miyaan dhigay.

Caashadu ilaahay cirka taagay udubli ciidana ka dhigay gogol wabiyada cartamayiyo cidhifyada bad kaga xidhay iyo buuraahaa culus cimrigeed aduunyadaa waxa jiraa col iyo nabadee caydhiyo nin xoola leh iyo laba is caashaqay caawana kamay tagin caynkaynu ku ogeyn adna calafka kuu qoran cuuna seegi maayee caashaqa ha baayicin Cadadkuu ilaahay caradeena joojee aadan ciida ka alkumay xaawana cadkiisiyo feedh calaanta laga dhigay cishadaa ma uuneyd caawana ma nooshahay caqliga sidaa hadalkuye carab dalab la sheegee ceeryaamo iyo boodh ciiro ha isku qarinine noloshayda caydh iyo cilmi guraan ku fadhiyin ku caar caari maaye caashaqa iska ilow Xalaytabao caweskii canabay daruuruuhu cimidh bay ahaayeen caawana lagu ma oga wakhtigii ku ciiliyo cisigiyo wanaaguna way is daba caraabaan waxana kuu cadayn kara caamiyaha indhaha liyo ma ogtahay curyaankaba cago loo ma waayine caynkaa wax loo yidhi ku wa cararayee ladan inay ku cibro qataan caashaqa ha baayicin Bada caarid maalmaha cawa daranta fiidkiyo caddadaa walaala cadcedii timaadaan dadka ruux cadibanoo waayhuu ku ciiriyo mid caruusa yaa jiroo caad iga ma saarnee ee cilmiyada ilaahay anigoon aan casiyin cabsi ha igu galine adigoon cuud dhaqan caashaqan ku taabtaan cudurdaar u yeelee ceeb kale miyaan dhigay.

Search