Awel Maanso Waataan Balfay

Awal maanso waataan balfoo, beylahshoo nacaye
Waataan bidcaystoo ka dhigay, buurigoo kale e
Aan booyaamo xalay baa huradada, layla baashiraye
Ba’dana aan ku dhigo waanigii, buuni ku ahaaye
Barqiyo raacad waxay galaan, badhaha Nowriise1
Barkadaha ballaqan iyo ballida, aan buux dhaafsho
Aan butaaco sida karadha waa, bu’ashaydiiye
Aan biyeeyo togaggiyo halkii, bohola oo jeexan
Buurtiyo hannaankaba cagaar, baad aan kaga yeelo
Afartaa bojaye balaan mid kale, baabka ka higaadsho
Halkey bededi laabtaydu aan, biifka ka caddeeyo
Baaljiid rag waw daranyahaye, bayr aan ugu yeelo
Baaruddiyo rasaastiyo madfaca, bow aan kaga siiyo
Aan bulxamo sidii badaha oo, baxarku qiiqaabay
Aan balbalo sidii beerta oo, baalka roganeysa
Baabuurka aan dhoofsho waa, bixitamayaaye
Aan bandiiraddiyo calanka iyo, bayraqa u taago
Bishaarooyinkii Eebbahay baarax, aan u sheego
Bugtii hore hadduu uumiyuhu, baaddil nagu maagay
Bilis iyo nafloo idil haddii, laysu wada bayray
Baabkii shareecada haddii, loo bushima tuuray
Boqol jeer rogaal iyo hadday, buufiyaay noqotay
Bufka waxaa wadhnaa waa kufriga, boqorradiisiiye
Banaatiikhda waataan ka helnay, badane noo taale
Bili nimaan lahayn baan xarbada, biid ka tarihayne
Buruudkii astaadkeennu2 waa, biraan la laafayne
Waxa baalka dheer noogu wacan, Baraka diimeede
Ingiriisku waa baahaaqaad, baadda noo wada e
Bullaxaar3 waxaa nooga yimid, moosin loo bogo e
Talyanna soo baxyoo haatan waa, baha Daraawiishe
Boontii Majeerteen ahayd, baabbah laga yeelye
Waataa waraabuhu ka bogan, burunjidoodiiye
Buuryada waxaa looga jaray, waa badownimo e
Bahdirtii xaglaa dabecsanayd, hawdyihii jabane
Baadariyadii laga idlee, balagta dheeraaye
Baqalyuhuu kuwuu diirtay baan, looga bi’ihayne
Bile4 iyo Shuxle5 iyo Yuusuf6 waa, baadi aakhiro e
Baduuggaa berraa laga samayn, nimanka Baargaale7
Bi’idnillaahi Boosaaso8 waa, belelin doonnaaye
Keenadiid9 bitikhan wawsagii, gaasku baatulaye
Wax balaayadaas loogu dhigay, baaqulhadalkiiye
Baraxley10 sidii loo makalay, boohin ku abaadye
Ina-Diinle11 baasaha ka dhacay, bari u naaftowye
Waa buurriyaan socodka oo, boqontu waa kaw e
Tolow badarka noo daaya bay, nagu baryaayaane
Ciisihii badaawida ahaa, buulna laga waaye
Burco12 wuxuu la tegey gaajo iyo, boohin iyo cayre
Mahad lagu bogsoo bahalihii, baabusha lahaaye
Buubaale nimankii futada, beyga ku leeyahaye
Markii buunka lagu yeeriyey, bogox u yaaceene
Waxa balaslahoodii ka dhacay, beled amxaaraade
Ogaadeen Bullaaliyo13 ka carar, baqaskii Doolloode14
Buncaddaha Turey15 laguma ogaa, jees ku baaqiya e
Qorraxey16 horweyn kama balxado, bilaha jiilaale
Reer Subayr bidhaan laga idlee, badina loo laaye
Beyley ma maalaan intay, bidhe u qaataane
Barqinkiyo harkii kama dhammaan, balaqdii caanoode.

Awal maanso waataan balfoo, beylahshoo nacaye Waataan bidcaystoo ka dhigay, buurigoo kale e Aan booyaamo xalay baa huradada, layla baashiraye Ba’dana aan ku dhigo waanigii, buuni ku ahaaye Barqiyo raacad waxay galaan, badhaha Nowriise1 Barkadaha ballaqan iyo ballida, aan buux dhaafsho Aan butaaco sida karadha waa, bu’ashaydiiye Aan biyeeyo togaggiyo halkii, bohola oo jeexan Buurtiyo hannaankaba cagaar, baad aan kaga yeelo Afartaa bojaye balaan mid kale, baabka ka higaadsho Halkey bededi laabtaydu aan, biifka ka caddeeyo Baaljiid rag waw daranyahaye, bayr aan ugu yeelo Baaruddiyo rasaastiyo madfaca, bow aan kaga siiyo Aan bulxamo sidii badaha oo, baxarku qiiqaabay Aan balbalo sidii beerta oo, baalka roganeysa Baabuurka aan dhoofsho waa, bixitamayaaye Aan bandiiraddiyo calanka iyo, bayraqa u taago Bishaarooyinkii Eebbahay baarax, aan u sheego Bugtii hore hadduu uumiyuhu, baaddil nagu maagay Bilis iyo nafloo idil haddii, laysu wada bayray Baabkii shareecada haddii, loo bushima tuuray Boqol jeer rogaal iyo hadday, buufiyaay noqotay Bufka waxaa wadhnaa waa kufriga, boqorradiisiiye Banaatiikhda waataan ka helnay, badane noo taale Bili nimaan lahayn baan xarbada, biid ka tarihayne Buruudkii astaadkeennu2 waa, biraan la laafayne Waxa baalka dheer noogu wacan, Baraka diimeede Ingiriisku waa baahaaqaad, baadda noo wada e Bullaxaar3 waxaa nooga yimid, moosin loo bogo e Talyanna soo baxyoo haatan waa, baha Daraawiishe Boontii Majeerteen ahayd, baabbah laga yeelye Waataa waraabuhu ka bogan, burunjidoodiiye Buuryada waxaa looga jaray, waa badownimo e Bahdirtii xaglaa dabecsanayd, hawdyihii jabane Baadariyadii laga idlee, balagta dheeraaye Baqalyuhuu kuwuu diirtay baan, looga bi’ihayne Bile4 iyo Shuxle5 iyo Yuusuf6 waa, baadi aakhiro e Baduuggaa berraa laga samayn, nimanka Baargaale7 Bi’idnillaahi Boosaaso8 waa, belelin doonnaaye Keenadiid9 bitikhan wawsagii, gaasku baatulaye Wax balaayadaas loogu dhigay, baaqulhadalkiiye Baraxley10 sidii loo makalay, boohin ku abaadye Ina-Diinle11 baasaha ka dhacay, bari u naaftowye Waa buurriyaan socodka oo, boqontu waa kaw e Tolow badarka noo daaya bay, nagu baryaayaane Ciisihii badaawida ahaa, buulna laga waaye Burco12 wuxuu la tegey gaajo iyo, boohin iyo cayre Mahad lagu bogsoo bahalihii, baabusha lahaaye Buubaale nimankii futada, beyga ku leeyahaye Markii buunka lagu yeeriyey, bogox u yaaceene Waxa balaslahoodii ka dhacay, beled amxaaraade Ogaadeen Bullaaliyo13 ka carar, baqaskii Doolloode14 Buncaddaha Turey15 laguma ogaa, jees ku baaqiya e Qorraxey16 horweyn kama balxado, bilaha jiilaale Reer Subayr bidhaan laga idlee, badina loo laaye Beyley ma maalaan intay, bidhe u qaataane Barqinkiyo harkii kama dhammaan, balaqdii caanoode.

Search