Allahayow Afkaygiyo

Marka horeba anigaa sahwiyey ina-adeerowe
Ooduba xigtay leedihiyo ubaxa geeduhuye
Abtiyaaladay baa ii ekayd inaan addeecaaye
Ammaantii Ugaar Cumar lahaa ereg maxaa geeyey?
Qaar hooyaday u eeddo too aada baa jiraye
Allahayow afkaygiyo sideen aadmiga u eeday!
Ama darayo oodwayne way omos badnaayeene
Aagaamo haddii loogu shubo ma engegnaateene
Abaaraa ku doogoobi lahaa ereyadaydiiye
Allahayow afkaygiyo sideen aadmiga u eeday
Iftiinka uma soo baxo ninkii iilka jiifsadaye
Wixii kaa adkaadaaba waa aakhiroo kale e
Waa la igu eemaray cishqiga inaan ku ooyaaye
Allahayow afkaygiyo sideen aadmiga u eeday
Mahdabtaba ma galo ruux hadduu aamin-goys yahaye
Axdigaad ka booddaa jannada oodda kaa rogaye (xidhiye)
Adigiyo ashahaadadaadu waysku alla seegteene
Ha u oofsan aakhiro waxaad urursataa yaalle!

Marka horeba anigaa sahwiyey ina-adeerowe Ooduba xigtay leedihiyo ubaxa geeduhuye Abtiyaaladay baa ii ekayd inaan addeecaaye Ammaantii Ugaar Cumar lahaa ereg maxaa geeyey? Qaar hooyaday u eeddo too aada baa jiraye Allahayow afkaygiyo sideen aadmiga u eeday! Ama darayo oodwayne way omos badnaayeene Aagaamo haddii loogu shubo ma engegnaateene Abaaraa ku doogoobi lahaa ereyadaydiiye Allahayow afkaygiyo sideen aadmiga u eeday Iftiinka uma soo baxo ninkii iilka jiifsadaye Wixii kaa adkaadaaba waa aakhiroo kale e Waa la igu eemaray cishqiga inaan ku ooyaaye Allahayow afkaygiyo sideen aadmiga u eeday Mahdabtaba ma galo ruux hadduu aamin-goys yahaye Axdigaad ka booddaa jannada oodda kaa rogaye (xidhiye) Adigiyo ashahaadadaadu waysku alla seegteene Ha u oofsan aakhiro waxaad urursataa yaalle!

Search