Allahayoow

Allahayoow aduunyada adaa uuntay keligaaye
Allahayoow arwaaxdana adaa qoray arsaaqdoode
Allahayoow adoomuhu aday ku irkanaayaane
Allahayoow alabaabada adaa ooda oo furae
Allahayoow ma awdidoo xaqaad soo iftimisaaye
Allahayoow aduunbaw arxama kii itaal darane
Allahayoow adaan eex aqoon eedna aan qabine
Allahayoow awood adigunbaa loo ogsoon yahaye
Ninkaloo itaal lihi ma jiro adiga mooyaane

Allahayoow midii uurlehiyo tii irmaan dumarka
Allahayoow umulihii nin diley ubad jaqsiinaayey
Allahayoow mid aano iyo kibir Muumin ku idleeyey
Allahayoow addoonimo midaan kugu adeecaynin
Allahayoow midkaa ku inkiree diidey amarkaaga
Allahayoow mid oogada jirka aad insiga mooddo
Allahayoow misana aan ahayn awliyana sheegta
Allahayoow ibleys kaa u eeg oonu garan weyney
Allahayoow nin aayaadka iyo diinta ku adeegta
Allahayoow amaba aan u odhan siday ahaayeenba

Allahayoow aqqonlaawahaa eeydu daba joogto
Allahayoow ibleyska khaliqigu ka ashkatonaayo
Allahayoow adigu waad ogtahay waadna aragtaaye
Allahayoow adoomaanu nahay diinta aaminaye
Allahayoow baryada naga ajiib kuu ergaan nahaye

Allahayoow aduunyada adaa uuntay keligaaye Allahayoow arwaaxdana adaa qoray arsaaqdoode Allahayoow adoomuhu aday ku irkanaayaane Allahayoow alabaabada adaa ooda oo furae Allahayoow ma awdidoo xaqaad soo iftimisaaye Allahayoow aduunbaw arxama kii itaal darane Allahayoow adaan eex aqoon eedna aan qabine Allahayoow awood adigunbaa loo ogsoon yahaye Ninkaloo itaal lihi ma jiro adiga mooyaane Allahayoow midii uurlehiyo tii irmaan dumarka Allahayoow umulihii nin diley ubad jaqsiinaayey Allahayoow mid aano iyo kibir Muumin ku idleeyey Allahayoow addoonimo midaan kugu adeecaynin Allahayoow midkaa ku inkiree diidey amarkaaga Allahayoow mid oogada jirka aad insiga mooddo Allahayoow misana aan ahayn awliyana sheegta Allahayoow ibleys kaa u eeg oonu garan weyney Allahayoow nin aayaadka iyo diinta ku adeegta Allahayoow amaba aan u odhan siday ahaayeenba Allahayoow aqqonlaawahaa eeydu daba joogto Allahayoow ibleyska khaliqigu ka ashkatonaayo Allahayoow adigu waad ogtahay waadna aragtaaye Allahayoow adoomaanu nahay diinta aaminaye Allahayoow baryada naga ajiib kuu ergaan nahaye

Search