Alla – Tuug

Boqoroow Allahayoow adaa, baaqiyoo jira e
Bari iyo adigaanay Galbeed, kula balaadhnayne
Sawaariikhda adigaan ka baqin, oo iska soo baxa e
Adaanay bir orod dheer ku helin, amase baabuure
Baylood cirkaa mari adaan, buur ka hoos galine
Adigaa wixii aad burburin, berina joogayne
Baryadayda ii yeel adaan, kuu bandhigayaaye
Barashada cilmiga diinta yaan, baafiyaa waliye
Masaladii la baadhoo dhan baan, baal ka taagnahaye
In aad diinta ii badisid baan, kaa baryahayaaye
Nin waliba bilaadiisa wuu, barako maalaaye
Baradaydii gaal baa fadhiya, buuran tabartaye
Mana badheedhi karoo ninkaa, baaqsadaan ahaye
Inaad iga bixisaan rabaa, oon kaa baryahayaaye
Boqollaal rag oo wada fadhiya, badhaha suugyaasha
Oo turubka baandhayn hayoo, adigu ii baaq leh
Oon baabka waysiyo salaad, boqonta maydhaynin
Bogga naar inay dhigahayaan, baabka lagu sheegye
Umad baylahda u diid yaan, kaa baryahayaaye??
Bangi lacag ah geel badan rag loo, adhigu uu buuxo
Oo aanay baahiyi haynoo lo'dii, bowdka miranayso
Oon bakhaylnimo sakada, barina dhiibaynin
Bogga naar inay dhigahayaan, baabka lagu sheegye
Ummad bixisa oon diidin baan, kaa baryahayaaye
Xeroow aan bilowgii cilmiga, baran kitaabkiisa
Oo imaamyadii wada billaa, balah u sheegeeya
Isaguna inuu baastar yahay, baabka lagu sheegye
Barqankaa inaad bi'isid baan, kaa baryahayaaye
Barbaar aan cibaada Alliyo, Boqor adeecaynin
Oo baarka siinaay kalkii, bal u budlinaaya??
Oo buuri nuugoo ilkaha, dabarku uu buuxshay
Inay bohosha naar galahayaan, baabka lagu sheegye
Dhallin aan ibliis bi'inin baan, kaa baryahayaaye
Bogga kale haweenkiyo haddaan, baal kale u leexdo
Iyadoon Billaaahi iyo Islaanimo, ku buuraanin
Asturkii kolkii laga baxay bay, sii burburiyeene
Waxay baratamaayaan kob aad, uga ba'aysaaye
Boggaa qaawan bowdada cad iyo, naaska badhidiisa
Barta xaluska kaga taala iyo, bari dabkii gaadhay
Adoon baadhin baad heli kartaa, booska uu yahaye
Hablo badanka soo wada qarshaan, kaa baryahayaaye
Beeshii haddii aan wada marayoon, baal walba u eegay
Biyo lagu rogyaa iyo Jibriil, baalka mariyaaba
In halaag kusoo beegan yahay, baabka lagu sheegye
Bulsho kheyrka wada raadisaan, kaa baryahayaaye

Boqoroow Allahayoow adaa, baaqiyoo jira e Bari iyo adigaanay Galbeed, kula balaadhnayne Sawaariikhda adigaan ka baqin, oo iska soo baxa e Adaanay bir orod dheer ku helin, amase baabuure Baylood cirkaa mari adaan, buur ka hoos galine Adigaa wixii aad burburin, berina joogayne Baryadayda ii yeel adaan, kuu bandhigayaaye Barashada cilmiga diinta yaan, baafiyaa waliye Masaladii la baadhoo dhan baan, baal ka taagnahaye In aad diinta ii badisid baan, kaa baryahayaaye Nin waliba bilaadiisa wuu, barako maalaaye Baradaydii gaal baa fadhiya, buuran tabartaye Mana badheedhi karoo ninkaa, baaqsadaan ahaye Inaad iga bixisaan rabaa, oon kaa baryahayaaye Boqollaal rag oo wada fadhiya, badhaha suugyaasha Oo turubka baandhayn hayoo, adigu ii baaq leh Oon baabka waysiyo salaad, boqonta maydhaynin Bogga naar inay dhigahayaan, baabka lagu sheegye Umad baylahda u diid yaan, kaa baryahayaaye?? Bangi lacag ah geel badan rag loo, adhigu uu buuxo Oo aanay baahiyi haynoo lo'dii, bowdka miranayso Oon bakhaylnimo sakada, barina dhiibaynin Bogga naar inay dhigahayaan, baabka lagu sheegye Ummad bixisa oon diidin baan, kaa baryahayaaye Xeroow aan bilowgii cilmiga, baran kitaabkiisa Oo imaamyadii wada billaa, balah u sheegeeya Isaguna inuu baastar yahay, baabka lagu sheegye Barqankaa inaad bi'isid baan, kaa baryahayaaye Barbaar aan cibaada Alliyo, Boqor adeecaynin Oo baarka siinaay kalkii, bal u budlinaaya?? Oo buuri nuugoo ilkaha, dabarku uu buuxshay Inay bohosha naar galahayaan, baabka lagu sheegye Dhallin aan ibliis bi'inin baan, kaa baryahayaaye Bogga kale haweenkiyo haddaan, baal kale u leexdo Iyadoon Billaaahi iyo Islaanimo, ku buuraanin Asturkii kolkii laga baxay bay, sii burburiyeene Waxay baratamaayaan kob aad, uga ba'aysaaye Boggaa qaawan bowdada cad iyo, naaska badhidiisa Barta xaluska kaga taala iyo, bari dabkii gaadhay Adoon baadhin baad heli kartaa, booska uu yahaye Hablo badanka soo wada qarshaan, kaa baryahayaaye Beeshii haddii aan wada marayoon, baal walba u eegay Biyo lagu rogyaa iyo Jibriil, baalka mariyaaba In halaag kusoo beegan yahay, baabka lagu sheegye Bulsho kheyrka wada raadisaan, kaa baryahayaaye

Search