Akhris iyo Qoraal

Sida sheekh arlada oo qudcura, kaligii eedaama

Uunkana qiyaamaha danbiyo, aakhiraw sheega 

Alaylkaan u toosaa inaan, khayr abaabulo’e

Islaamkiyo quruumaha dadkaan, oohow leeyahaye

Ugbaadkiyo qormada dooga laan, aada leeyahaye

Ayaguna orkiyo qayladaa, ma istixyeeyaane

Anna kama adkaystoo qastigay, waan addimayaaye

Aan idhaahdo weedh kale qalbigu, aamus kari waaye.

Soomaalidu waxay qunu ogtahay, asal ahaantiisa

Ayuun bay iswaydiin qalalan, kugu asqeeyaane 

Akhris iyo qoraal inuu ahaa, shay aftaxa guusha 

Ama qotonkii aas-aaskiyo, udub-dhigii koonka 

Oo aan ifkeenani mar qudha, abid ka maarmaynin 

Amintuu Allaha Qaadirka ah, uumay nolosheenna

Qalin buu abuurkiisa wacan, ugu horraysiiyay

Ayaantuu qur’aan soo diriyo, amaradiisiina 

Iqra waatii loo soo qadimay, aayadaha diinta 

Amuuraha qarsoon iyo Rabbaa, garan ujeedkiise

Aadmigu intuu qeexi karo, iniq-yar weeyaane 

Ufiirsada qorshaha Eebbeheen,  ina tusaaleeyay 

Afartaa qaryaan arartii iyo, gabay abbaartii dheh 

Afar kalana qawlkii abwaan, odhan lahaa jeer dheh.

Allaylehe qiraa’ada cilmigu, waa iftiin baxaye

Umadaha ilayskaa ka qada, aayatiin malahe 

Hadba qoom awood gaaban baa, soo adoonsada’e

Anfacada la quutiyo ma helo, oon la dhuunyado’e 

Arrad bay la wada qaawanyiin, aaran iyo dooge
Ubadkooda qawlaysatiyo, oorfanaw badane
Astaantoodu waa qaanso iyo, eebo iyo leebe 

Ambadkiyo qasaaraha umiga, waan ogsoonahaye 

Omoskaa qodxaha badan intaan, nalagu aafaynin

Orda qaata buugtoo jahliga, xidha albaabkiisa 

Afartaa qaryaan arartii iyo, gabay abbaartii dheh

Afar kalana qawlkii abwaan, odhan lahaa jeer dheh.

Afrikaay qabaar moog adaa, gabay intaadiiye
Qayrkaa wuxuu awr ku furay, ururtii dheerayde

Qorraxdaa la ootoo cirkaa, loo aroor tagaye 

Oogada saree qamarka waa, lagu ekaadaaye 

Obocdaa dhulkaa laga qotaa, agabyo waawayne 

Ardaa lagu qaxweeyiyo baddii, aagag laga seesye 

Qalab iyo intaa aalad baa, lagu adeegtaaye 

Aynigaa wuxuu quwad tabcaday, iidheh haw filine 

Aqoon iyo waxqabad buu ku tagay, agaha Fiinaase

Ka aflaxa waxbarashada adaa, qaday ayaankaaye 

Afartaa qaryaan arartii iyo, gabay abbaartii dheh

Afar kalana qodob aan ku xidhay, iyo afmeerkii dheh.

Akhris iyo qoraal saw tacliin, ibafurkeed maaha 

Ardaynimo adoon afartan sano, qaxar la eedaadin

Aqoonyahan la qiimeeyo saw, aayar noqo maaha

Indheergaradka qaaradaha idil, iniba meel joogto 

Iyo odayo iilkiyo qabriga, waayo lagu aasay

Aqal inaad kuwada qaabishiyo, edeg yar saw maaha

Erayada qurxoon iyo kasmada, ururso saw maaha 

Aqligaaga inaad qaybisiyo, aragtidii maanka

Ood iimahaagiyo qabyada, ebiddo saw maaha

Arrinka iyo qaabkay dunida, tahay akhbaarteedu 

Uurkaagu saw inuu runtii, oon u qabo maaha

Oollinkii qarniga iyo tagtada, nalaka awd-awday.

Dib inaad u eegtoo quftoo, aragto saw maaha
Qadarkiyo xilliga imanayee, loo alkumanaayo 

Aashaa qiyaas oo wakhtiga, saw oddoros maaha 

Ilduuf iyo adoo qalad ka jiray, awal go’aankaaga
Ambaqaad qaraar horumarloo, idibil saw maaha

Qulquloo asaagaa ku dhaaf, orodka saw maaha 

Abbaanduule qaanuunka iyo, haga aduunkoo dhan 

Akhristoow qofkii noqon lahaa, adiga saw maaha! 

Sida sheekh arlada oo qudcura, kaligii eedaama 

Uunkana qiyaamaha danbiyo, aakhiraw sheega 

 Alaylkaan u toosaa inaan, khayr abaabulo’e 

Islaamkiyo quruumaha dadkaan, oohow leeyahaye 

Ugbaadkiyo qormada dooga laan, aada leeyahaye 

Ayaguna orkiyo qayladaa, ma istixyeeyaane 

Anna kama adkaystoo qastigay, waan addimayaaye 

Aan idhaahdo weedh kale qalbigu, aamus kari waaye. Soomaalidu waxay qunu ogtahay, asal ahaantiisa 

Ayuun bay iswaydiin qalalan, kugu asqeeyaane 

 Akhris iyo qoraal inuu ahaa, shay aftaxa guusha 

 Ama qotonkii aas-aaskiyo, udub-dhigii koonka 

 Oo aan ifkeenani mar qudha, abid ka maarmaynin 

 Amintuu Allaha Qaadirka ah, uumay nolosheenna 

Qalin buu abuurkiisa wacan, ugu horraysiiyay 

Ayaantuu qur’aan soo diriyo, amaradiisiina 

 Iqra waatii loo soo qadimay, aayadaha diinta 

 Amuuraha qarsoon iyo Rabbaa, garan ujeedkiise 

Aadmigu intuu qeexi karo, iniq-yar weeyaane 

 Ufiirsada qorshaha Eebbeheen,  ina tusaaleeyay 

Afartaa qaryaan arartii iyo, gabay abbaartii dheh 

 Afar kalana qawlkii abwaan, odhan lahaa jeer dheh. 

Allaylehe qiraa’ada cilmigu, waa iftiin baxaye 

Umadaha ilayskaa ka qada, aayatiin malahe 

 Hadba qoom awood gaaban baa, soo adoonsada’e 

Anfacada la quutiyo ma helo, oon la dhuunyado’e 

 Arrad bay la wada qaawanyiin, aaran iyo dooge Ubadkooda qawlaysatiyo, oorfanaw badane Astaantoodu waa qaanso iyo, eebo iyo leebe 

 Ambadkiyo qasaaraha umiga, waan ogsoonahaye 

 Omoskaa qodxaha badan intaan, nalagu aafaynin 

Orda qaata buugtoo jahliga, xidha albaabkiisa 

Afartaa qaryaan arartii iyo, gabay abbaartii dheh 

Afar kalana qawlkii abwaan, odhan lahaa jeer dheh. Afrikaay qabaar moog adaa, gabay intaadiiye Qayrkaa wuxuu awr ku furay, ururtii dheerayde 

Qorraxdaa la ootoo cirkaa, loo aroor tagaye 

 Oogada saree qamarka waa, lagu ekaadaaye 

 Obocdaa dhulkaa laga qotaa, agabyo waawayne 

 Ardaa lagu qaxweeyiyo baddii, aagag laga seesye 

 Qalab iyo intaa aalad baa, lagu adeegtaaye 

 Aynigaa wuxuu quwad tabcaday, iidheh haw filine 

 Aqoon iyo waxqabad buu ku tagay, agaha Fiinaase 

Ka aflaxa waxbarashada adaa, qaday ayaankaaye 

Afartaa qaryaan arartii iyo, gabay abbaartii dheh 

Afar kalana qodob aan ku xidhay, iyo afmeerkii dheh. Akhris iyo qoraal saw tacliin, ibafurkeed maaha 

 Ardaynimo adoon afartan sano, qaxar la eedaadin 

Aqoonyahan la qiimeeyo saw, aayar noqo maaha 

Indheergaradka qaaradaha idil, iniba meel joogto 

 Iyo odayo iilkiyo qabriga, waayo lagu aasay 

Aqal inaad kuwada qaabishiyo, edeg yar saw maaha 

Erayada qurxoon iyo kasmada, ururso saw maaha 

 Aqligaaga inaad qaybisiyo, aragtidii maanka 

Ood iimahaagiyo qabyada, ebiddo saw maaha 

Arrinka iyo qaabkay dunida, tahay akhbaarteedu 

 Uurkaagu saw inuu runtii, oon u qabo maaha 

Oollinkii qarniga iyo tagtada, nalaka awd-awday. Dib inaad u eegtoo quftoo, aragto saw maaha Qadarkiyo xilliga imanayee, loo alkumanaayo 

 Aashaa qiyaas oo wakhtiga, saw oddoros maaha 

 Ilduuf iyo adoo qalad ka jiray, awal go’aankaaga Ambaqaad qaraar horumarloo, idibil saw maaha 

Search