Colaad ku Garaadsaday

Waxaan ahay gaban
Guluf lagu hoobtiyo
Xabad la ganaayo iyo
Ku garaadsaday colaadoo
Galina arag barwaaqee.

Caweyskanna guureynta
Waxa igu gaar yeeloo
Iga keenay gurigeenoo
U gabaadsanaya hawdkaan
Waa Nabad baadi goobkeedee.

Ragbaa u guntaday
Godob in ay naga galaanoo
Nagu gil gilaan madaafiic iyo
Gumad rasaaso
Galaafata nolashena'oo
Diwaankana galiyaan
Gaajada iyo bacadkan
Golle in ay inoo ahato
Hurdaba gam'i weyno.

Guurti iyo Culumo
Indheer garad ma daayaan'oo
Garaadkoodu wuxu yahay
Guulaan oran mooyee
Gabigeen xabaalaha
In ay mar qura na galiyaan.

Waxba ma gocosho ooyayee
Garbey u lahayd nafteyda
Galad nabadeed iyo
Guud ahaan asaagey
Inta dunida guud joogta
Taclintey gaarka u heleen iyo
Miraha Nabadey gurtaan.

Aan gaabiyo tabashade
Gunaanudkuna wuxu yahay
Soomaalaay garo dhalishoo
Gabi aynigeen
Waa kuwaa goor hore
Dayax gacmeedyo
u ganay cirkiyo samada kore
Inaguna gadaasoo kale
Garawshiyihu wa ma huraane
Golle in aynu ku kulano
Gorfeyno umuurahoo
Colaadan ina kala gaabisay iyo
Qabyaalada guunka ah
aan gorofkeeda tuurnoo
idilkiinba gacalayaal
Aan gocla orad u galno
Ku dhaqaaqno galabtaba.
Guusheenu halkey taal.

Waxaan ahay gaban Guluf lagu hoobtiyo Xabad la ganaayo iyo Ku garaadsaday colaadoo Galina arag barwaaqee. Caweyskanna guureynta Waxa igu gaar yeeloo Iga keenay gurigeenoo U gabaadsanaya hawdkaan Waa Nabad baadi goobkeedee. Ragbaa u guntaday Godob in ay naga galaanoo Nagu gil gilaan madaafiic iyo Gumad rasaaso Galaafata nolashena'oo Diwaankana galiyaan Gaajada iyo bacadkan Golle in ay inoo ahato Hurdaba gam'i weyno. Guurti iyo Culumo Indheer garad ma daayaan'oo Garaadkoodu wuxu yahay Guulaan oran mooyee Gabigeen xabaalaha In ay mar qura na galiyaan. Waxba ma gocosho ooyayee Garbey u lahayd nafteyda Galad nabadeed iyo Guud ahaan asaagey Inta dunida guud joogta Taclintey gaarka u heleen iyo Miraha Nabadey gurtaan. Aan gaabiyo tabashade Gunaanudkuna wuxu yahay Soomaalaay garo dhalishoo Gabi aynigeen Waa kuwaa goor hore Dayax gacmeedyo u ganay cirkiyo samada kore Inaguna gadaasoo kale Garawshiyihu wa ma huraane Golle in aynu ku kulano Gorfeyno umuurahoo Colaadan ina kala gaabisay iyo Qabyaalada guunka ah aan gorofkeeda tuurnoo idilkiinba gacalayaal Aan gocla orad u galno Ku dhaqaaqno galabtaba. Guusheenu halkey taal.

Search