{"id":8230,"date":"2022-03-23T14:08:26","date_gmt":"2022-03-23T11:08:26","guid":{"rendered":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/?p=8230"},"modified":"2022-03-25T21:24:17","modified_gmt":"2022-03-25T18:24:17","slug":"nuxurka-maansada-hoy-weeye-nabaddu","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/nuxurka-maansada-hoy-weeye-nabaddu\/","title":{"rendered":"A close reading of Peace Is Your Home"},"content":{"rendered":"<p>Nabadda oo sal u ah jiritaanka umadda kasta, waxay u baahantahay ilaalin, dhawrid iyo weliba wacyi-gelin joogto ah oo umadda loogu sheegayo inay muhiim tahay wada-jirkooda iyo inay ka hortagaan waxkasta oo dhibaato ku ah xasiloonidooda. Suugaanleeyda Soomaalidu doorweyn ayey markasta ku leeyihiin nabad dhalinta iyo weliba daminta colaadaha iyaga oo adeegsanaya hibadooda suugaaneed. Xilliyo kala duwan ayey ka hadleen deegaano iyo meelo ay colaado ka jireen iyaga oo markasta dadka u sheegaya inay nabadda dhawraan oo ay wadajirkooda ilaashadaan. Suugaanta nooc ay tahayba way ku cabireen, Maanso, Gabay, Guurow iyo weliba farriimo kala duwanba.<\/p>\n<p>Cabdillaahi Mire Dacar oo aad loogu yaqaanay magaca Shay\u00a0 isla markaasna suugaanta dhinacyo kala duwan kaga jiray , sida eray samaynta , curinta laxanka iyo weliba ku luuqayntaba, wuxuu qaaday maansadan lagu magacaabo Hoy weeye nabaddu, taasi oo uu saaray laxan aad u soo jiidasho leh , ayna fududahay inay farriin ahaan gudubto.<\/p>\n<p>Maansadan heesta laga dhigay nuxurkeedu wuxuu yahay in qofku fahmo doorka y nabaddu kaga jirto nolosheena iyo siday ay tahay in looga fogaado fitnada iyo wixii dadka kala fogaynaya.<\/p>\n<p>Shay Mire wuxuu si faahfaahsan uga hadlayaa in qofku kala doorto markasta nabad iyo nabad darro oo ah laba arrimood oo aad u\u00a0 kala fog ayna habboontahay sidii uu u noqon lahaa qof nabad doon ah kaasi oo nabadda naaxiya. Wuxuu si mugle uga hadlayaa in nabaddu tahay hoy iyo weliba gogol lagu fadhiyi karo kaliya intay ay iyadu jirto, inay la mid tahay guri hooyo\u00a0 taasi oo waxa keliya ee bannaani ay tahay in la ilaashado.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Adoo hadhac qabow iyo<\/p>\n<p>Hagar li\u2019i ku jira nabad<\/p>\n<p>Dhiishaadu hilantahay<\/p>\n<p>Layskama harraatiyo<\/p>\n<p>Fidno huruda weligaa<\/p>\n<p>Lama hududo huddeeyo<\/p>\n<p>Looma haadsho gacantee<\/p>\n<p>Waa lagu hagoogtaa<\/p>\n<p>Gogol lama huraaniyo<\/p>\n<p>Sida hooyadoo kale<\/p>\n<p>Hooy weeye nabaduye<\/p>\n<p>Aan wada hanano<\/p>\n<p>Aan isla hayno<\/p>\n<p>Hareeraha aan qabano<\/p>\n<p>Horumarni nabada<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Dadku waa hal qudha<\/p>\n<p>abidkoodba hiil iyo<\/p>\n<p>hoodaba wadaagoo<\/p>\n<p>aan kala hadhaynin<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>hal dhashoo na-deeqdiyo<\/p>\n<p>nabaddu waa haleele<\/p>\n<p>hawraarsan\u00a0 dhahoo<\/p>\n<p>hadhuubada u soo cula<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Somali poets have always played an important role in bringing peace and ending conflict through their literary talents. At different times, they have composed poems about conflict in different areas, calling people to come together in peace using all kinds of songs, poems and other kinds of literature.<\/p>","protected":false},"author":4,"featured_media":8231,"comment_status":"closed","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_acf_changed":false,"footnotes":""},"categories":[77],"tags":[],"class_list":["post-8230","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-homepage"],"acf":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8230","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=8230"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8230\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/media\/8231"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=8230"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=8230"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=8230"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}