{"id":8113,"date":"2022-01-24T10:13:59","date_gmt":"2022-01-24T07:13:59","guid":{"rendered":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/?p=8113"},"modified":"2022-01-24T10:15:30","modified_gmt":"2022-01-24T07:15:30","slug":"la-kulan-abwaankii-ku-guuleystay-abaal-marinta-tartanka-hoyga-maansada-ee-2021","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/la-kulan-abwaankii-ku-guuleystay-abaal-marinta-tartanka-hoyga-maansada-ee-2021\/","title":{"rendered":"Meet the 2021 Home of Somali Poetry Poet of the Year"},"content":{"rendered":"<p><em>Mursal ilaa yaraantiisii wuxuu jeclaa suugaanta si uu u noqdo qof argti dheer oo dadka kalena <\/em><em>ku dhiiri galiya<\/em><\/p>\n<p>Mursal Daahir markuu yaraa wuu jeclaa gabayada, muusiga iyo suugaanta. Wuxuu in badan dhegaysan jiray abwaannada iyo odayaasha la ixtiraamo. Si ka duwan carruurta kale ee da\u2019diisa ah, waxa uu caado ka dhigtay in uu la sheekeysto dadka ka waaweyn si uu u dhageysto hadalkooda xigmadda leh iyo aqoontooda.<\/p>\n<p>\u201cMarkaan wiil yar ahaa, lama ciyaari jirin carruurta. Waxaan aad u jeclaa inaan dadka waaweyn la sheekesto si aan xikmad uga helo,\u201d ayuu yiri Abwaan Mursal Daahir oo 37-jir ah oo dhawaan ku guuleystay Abaal-marinta Abwaanka Sannadka ee Hoyga Maansada Soomaaliyeed ee 2021, kaasoo ay taageertay hay\u2019adda UNDP si loo hormariyo dhaqanka Soomaalida iyo adeegsiga gabayada, looguna ololeeyo nabadda iyo xuquuqda aadanaha.<\/p>\n<p>&#8220;Aad baan u xiiseyn jiray, maskaxdayduna u jeycleyd in aan odayaasha tuuladeena la fadhiisto geed hoostiisa oo ku yaalay gurigeena hortiisa oo aan la dhegaysto BBC Somali,&#8221; ayuu raaciyay.<\/p>\n<p>Waxa uu ku dhashay kuna barbaaray miyiga Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, Mursal ma uusan helin waxbarasho heer sare ah. Waxa uu kaga baxay isaga oo aan dhamaysan sannadkii ugu dambeeyay ee dugsiga hoose, waxaanu noqday xoolo dhaqato sida reerkiisa intiisa kale.<\/p>\n<p>&#8220;Dadku waxay u malayn jireen in aan ahay doqon maadaama aan la ciyaarin carruurta kale, sababtoo ah waxaan rumaysnaa in maalinkii oo dhan aan la ciyaaro carruur ay tahay caajis iyo waqti lumis,&#8221; sidaas ayuu yiri Mursal.<\/p>\n<p>Mursal wuxuu lahaa hibo gaar ah. Gabay marka uu idaacad ka maqlo wuu xifdin jirey markaas ayuu la waadaagi jiray asxaabtiisa.<\/p>\n<p>Aroosyada reer miyiga Soomaaliyeed waxaa inta badan la qabtaa tartan dhaqameed oo ay ku jiraan gabayo. Habeen habeenada ka mid ah ayuu Mursal ka qeyb galay xaflad Aroos, wuxuuna tartanka kaga qeyb galay gabay jacayl ah oo uu u tiriyay gabar uu markaas jeclaa.<\/p>\n<p>Wuxuu ahaa gabaygiisii ugu horreeyay ee uu tiriyo meel fagaare ah oo ay dadwayne aad u tiro badan ku sugnaayeen.<\/p>\n<p>\u201cMaansadii ugu horreysay ee aan curiyay, waxaan meel \u00a0fagaare ah ka tiriyay anigoo 15 jir ah,\u201d ayuu yiri Mursal. \u201cMarkaas ayaan ogaaday in aan abwaan noqon karo\u201d.<\/p>\n<p>Gabayga wuxuu u dhacayay sida tan:<\/p>\n<p><em>Foodley qeyrab ah ma ahan<\/em><\/p>\n<p><em>Culeys qaafil ah ma ahan<\/em><\/p>\n<p><em>Qowaar dheerar ma ahan<\/em><\/p>\n<p><em>Caato qooxanna ma ahan<\/em><\/p>\n<p><em>Qoorxun gaabanna ma ahan<\/em><\/p>\n<p><em>Caddiin qaaday ah ma ahan<\/em><\/p>\n<p><em>Madow qaaf ah na ma ahan<\/em><\/p>\n<p><em>Tintu waa qad madow ah<\/em><\/p>\n<p><em>Ilkuhu waa qalimaanoo <\/em><\/p>\n<p><em>Qoortu waa labo taako<\/em><\/p>\n<p>Mursal gabayadiisa waxay ku saabsan yihiin is-dhexgalka bulshada, nabadaynta iyo dowlad wanaagga iyo weliba jacaylka. Waxa uu aaminsan yahay in gabayga, inkasta oo aan loo isticmaalin sidii hore, haddana uu ka ciyaaro door muhiim ah.<\/p>\n<p>\u201cSoomaaliya, gabaygu waa sida aalad oo kale oo awood badan, loo isticmaali karo nabadda iyo colaadaha, waana sababta Soomaaliya loogu yeero umaddii Abwaannada,&#8221; ayuu yiri Mursal. \u201cLaakin weligay kuma fikirin inaan tiriyo maanso colaad beeleed abuuraysa, ama qabyaalad iyo colaad hurinaysa. Waxaan jeclahay in aan bulshada kala hadlo waxyaabaha anfacaya adduun iyo aakhiraba\u201d.<\/p>\n<p>Dhamaadka sanadkii hore, Mursal wuxuu Facebook-ga ku arkay in la shaaciyay tartanka gabyada ee uu qabtay Hoyga Maansada Soomaaliyeed ee 2021, wuxuuna soo gudbiyay gabay uu ugu magac daray <a href=\"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/poems\/gobannimom\/\">Qaranimada, kaasoo ka hadlaya arrimaha qaranimada iyo gumeysiga<\/a>.<\/p>\n<p>Garsoorayaasha \u2013 oo ka koobnaa abwaaniin aad loogu ixtiraamo suugaanta Soomaalida iyo weliba kuwo xirfada ku cusub \u2013 ayaa aad ula dhaceen oo waxay u doorteen inuu noqdo Abwaanka sannadka.<\/p>\n<p>&#8220;Ma fileyn in aan ku guuleysanayo balse sharaf ayay ii tahay in aan ku guuleysto abaalmarinta ugu sareysa Hoyga Maansada Soomaaliyeed&#8221; ayuu yiri Mursal.<\/p>\n<p>\u201cAlle ayaan uga mahadcelinayaa fursadan, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa qabanqaabiyayaasha tartanka oo dhiirigeliyay abwaannada da\u2019da yar iyo sidoo kale ilaalinta dhaqanka Soomaaliyeed. Fursaddan waxay igu dhiiragelineysaa inaan sii wado qorista gabayada.\u201d<\/p>\n<p>\u201cWaxaan inta badan niraahnaa Soomaaliya waa Umaddii Abwaanada, anigana tani waxay iiga dhigan tahay inaan nahay ummad caqli badan oo maskax caafimaad leh qabta,\u201d ayay tiri Abwaanad caan ah oo ka mid aheyd garsoorayaasha abaal-marinta Hoyga Maansada ee 2021 Xaawo Jaamac Cabdi oo wareysi siisay xafladda abaalmarinta. Waxaan filayaa in ku guuleystayaashayada sanadkan ay ka tarjumayaan xaqiiqooyinkaas.\u201d<\/p>\n<p>Tuducyadan soo socda waa gabaygii Mursal uu ee ku guuleystay tartanka:<\/p>\n<p><em>Galad weeye hal abuurku aan ruuxna goynkarine<\/em><\/p>\n<p><em>gunno weeye dheeraadahoo guule bixiyaaye<\/em><\/p>\n<p><em>gargaar iyo tacliin laguma helo oo lagadiwaaye<\/em><\/p>\n<p><em>\u00a0<\/em><\/p>\n<p><em>hadii aad gabyaa tahay hibada lagu gudoonsiiyay<\/em><\/p>\n<p><em>gasiin xeeladee kuma cawniyo eray guhaadeede<\/em><\/p>\n<p><em>waa risaalo gaariyo xisaab gudasho doonaysa<\/em><\/p>\n<p>Barnaamijka Hoyga Maansada Soomaaliyeed oo ay taageerto Hay\u2019adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta ee UNDP, kaas oo lagu <a href=\"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/\">kaydiyo maansooyinka Soomaaliyeed iyo majalad online ah oo lagu soo bandhigo wararka iyo maqaallada la xiriira gabayada, bandhigyo toos ah iyo waxbarasho ku saabsan arrimahan<\/a>. Hindisaha waxaa looga golleeyahay in lagu dhiirageliyo awoodda gabayada si kor loogu qaado nabadda iyo xuquuqda aadanaha.<\/p>\n<p>Si aad wax badan uga ogaato, booqo: <a href=\"https:\/\/undpsom.medium.com\/can-poetry-bring-peace-4766c647a9d0\" target=\"_blank\" rel=\"noopener\">https:\/\/undpsom.medium.com\/can-poetry-bring-peace-4766c647a9d0<\/a><\/p>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ever since he was a child, Mursal has followed poetry to achieve insight and inspire others.\nAt a tender age, Mursal Dahir loved poems, music, and literature. He would often listen to respected poets and elders. Unlike other children of his age, he developed a habit of talking to older people, attracted by their wise words and knowledge.<\/p>","protected":false},"author":4,"featured_media":8118,"comment_status":"closed","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_acf_changed":false,"footnotes":""},"categories":[83,77,88],"tags":[],"class_list":["post-8113","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-article","category-homepage","category-news"],"acf":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8113","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=8113"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8113\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/media\/8118"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=8113"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=8113"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=8113"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}