{"id":7867,"date":"2021-11-24T23:53:12","date_gmt":"2021-11-24T20:53:12","guid":{"rendered":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/?p=7867"},"modified":"2021-11-30T05:10:21","modified_gmt":"2021-11-30T02:10:21","slug":"guuleystayaasha-tartanka-gabayada-hoyga-maansada-2021-oo-la-shaaciyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/guuleystayaasha-tartanka-gabayada-hoyga-maansada-2021-oo-la-shaaciyay\/","title":{"rendered":"2021 Somali Poetry Award winners"},"content":{"rendered":"<p><strong>2021 Somali Poetry Award winners<\/strong><\/p>\n<p><em>Garsoorayaal ku xeeldheer suugaanta Soomaalida ayaa xulitaan ay ku sameeyeen <\/em><em>boqollaal gabayo ah waxay ku soo xuleen Abwaanka ugu Gabayga Wanaagsan Sandka, <\/em><em>Abwaanadda ugu Gabayga Wanaagsan Sanadka ee UNDP iyo Abwaanka ugu Da\u2019da <\/em><em>Yar sanadka.<\/em><\/p>\n<p>22 Nofeembar 2021 \u2014 Waxaa maanta si rasmi ah loogu dhawaaqay dadka ku guuleystay Tartanka Sanadlaha ee uu qabtay Hoyga Maansada Soomaaliyeed oo taageero ka helaya hay\u2019adda Qaramada Middobay u Qaabilsan Horumarinta (UNDP).<\/p>\n<p>Tartanka oo markii ugu horeysay sanadkan la qabtay ayaa u furnaa qof walba oo Af Soomaali wax ku qora si loo helo hal-abuurka ugu wanaagsan. Saddexda qeyb ee tartanka waxay kala ahaayeen Gabyaaga ugu Wanaagsan Sanadka, Gabadha ugu Gabayga Waangsan iyo Abwaanka ugu D\u2019ada Yare Sanadka (ka yar 25 sano).<\/p>\n<p>In ka badan 200 oo gabayo ayaa lagu soo diray website ka <span style=\"color: #ff6600;\"><a style=\"color: #ff6600;\" href=\"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/\">Hoyga Maansada<\/a><\/span>, waxaa Garsoorayaal ka ahaa abwaanno isugu jira kuwo waaweyn iyo kuwo hadda soo kacaya oo ay ka mid yihiin Axmed Faarax Cali (Idaajaa), Cisman Cabdullaahi Guure, Maxamud Xaaji Maxamed (Tarash), Caasha Maxamud Yuusuf (Caasha-luul) iyo Xawa Jaamac Cabdi.<\/p>\n<p>Qeybta koowaad ee Gabyaaga ugu Wanaagsan Sanadka waxaa ku guuleystay Mursal Daahir Caynte oo gabaygiisu ku saabsanaa <span style=\"color: #ff9900;\"><a style=\"color: #ff9900;\" href=\"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/poems\/gobannimom\/\"><span style=\"color: #ff6600;\">gobannimada iyo gumeysiga<\/span><\/a><\/span>. Qeybta Gabadha ugu Gabayga Wanaagsan waxaa ku guuleystay Raxma Xuseen Huriye oo gabaygeeda kaga hadashay <span style=\"color: #ff6600;\"><a style=\"color: #ff6600;\" href=\"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/poems\/sooyaalr\/\">midnimada<\/a><\/span>, dadkana uga digtay halista ka dhalan karta marki ay bulshadu ka tagto dhaqankeeda iyo qiyamkeeda. Abwaanka ugu Da\u2019da Yar<\/p>\n<p>Sanadka waxaa ku guuleystay Mubaarik Yuusuf Dheeg oo gabaygiisu ku saabsanaa muhimadda ay leedahay <a href=\"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/poems\/fall\/\"><span style=\"color: #ff6600;\">xushmadda iyo naxariista<\/span><\/a>.<\/p>\n<p>\u201cSharaf bay ii tahay in aan ku guuleysto abaalmarinta ugu sarreysa ee Tartanka Gabayada Hoyga Maansada Sanadka,\u201d ayuu yiri Mursal. \u201cWaxaan marka hore u mahadcelinayaa Eebe kadibna qabanqaabiyayaasha tartanka oo dhiiragalin u sameeyay abwaannada da\u2019da yar iyo sida ay u ilaalinayaan dhaqanka Soomaalida. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa hay\u2019adda UNDP oo taageertay barnaamijkan. Waxey igu dhiiragalisay inaan sii wado curinta gabayga,\u201d<\/p>\n<p>\u201cMarka hore Alle ayaa mahad leh, marka xigtana bahda Hoyga Maansada howsha culus oo ay qabteen,\u201d ayey tiri Raxma Xuseen Huriye. \u201cRuntii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku guuleysto abaalmarinta qeybta haweenka\u201d<\/p>\n<p>\u201cAad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku guuleysto qeybta dhalinyarada.Waa riyo ii rumowday,\u201d ayuu yiri Mubaarik Yuusuf Dheeg. \u201cWaxaan u mahadcelinayaa qabanqaabiyayaasha iyo garsooorayaasha shaqada culus oo ay qabteeen si barnaamijkan looga dhabeeyo,\u201d<\/p>\n<p>\u201cBadanaa waxaa Soomaaliya loo yaqaannaa dalkii abwaannada, aniga taasi waxay iiga dhigantahay inaan nahay bulsho xikmad badan oo maan fayow. Xaqiiqadaas ayey ka tarjumayaan dadkii ku guuleystay tartanka Gabayada sanadkan,\u201d ayey tiri Xaawa Jaamac Cabdi oo ah gabyaa aad loo yaqaanno, kana tirsanayd garsoorayaasha tartanka sanadkan.<\/p>\n<p>Xafladda abaalmarinta waxay maanta ka dhacday hoteelka Jazeera ee ku yaalla magaalada Muqdisho. Waxaa lagu soo bandhigay gabayadii ku guuleystay iyo khudbado ay soo jeediyeen dad magac ku leh suugaanta Soomaalida.<\/p>\n<p>Tartanka wuxuu ka mid yahay mashruucyada ugu dambeeyay oo uu hirgaliyay Hoyga Maansada Soomaaliyeed oo taageero ka helaya hay\u2019adda UNDP, si loo horumariyo suugaanta Soomaalida, nabadda iyo xuquuqda haweenka.<\/p>\n<p>Earlier this year, the Home of Somali Poetry launched its website (www.hoygamaansada.com)<span style=\"color: #ff6600;\"><a style=\"color: #ff6600;\" href=\"http:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/\">www.hoygamaansada.com<\/a><\/span>) Bogga internetku wuxuu kaydiyaa gabayadii hore iyo kuwo cusub oo ay tiriyeen abwaanada jiilka cusub. Sido kale, waa bar lagu daabaco warar la xiriira gabayada, laguna soo bandhigo maqaallo, wareysiyo, bandhigyo islamarkaana aqoon laga kororsado. Hoyga Maansadu wuxuu qabanayaa munaasabado gaar ah wuxuuna shaqo gelinayaa abwaanada si ay u soo qoraan gabayo cusub oo loogu qabto bandhigyo iyo aqoon is-weydaarsiyo dhanka dhaqanka ah.<\/p>\n<p>\u201cHaweenka abwaanada ah waxay taariikh dheer ku leeyihiin inay gabayga u adeegsadaan difaaca xuquuqdooda iyo tan muwadiniinta kale, iyagoo xitaa wajahaya caqabado waaweyn,\u201d ayey tiri Maha Abusamra, oo ah sarkaal u xilsaaran qeybta jinsiga ee hay\u2019adda UNDP. \u201cWaan ku faraxsannahay inaan taageerno abwaannada Raxma oo kale inay hal-abuurkooda uu meel dheer gaaro,\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>For more information, please contact:<\/strong><\/p>\n<p>Hoyga Maansada Soomaaliyeed: <a href=\"mailto:Hoygamaansada@gmail.com\"><span style=\"color: #ff6600;\">Hoygamaansada@gmail.com<\/span><\/a> \/ +252 61 928 8867<\/p>\n<p>UNDP <span style=\"color: #ff6600;\"><a style=\"color: #ff6600;\" href=\"http:\/\/communications.so.undp.org\/\" target=\"_blank\" rel=\"noopener\">communications.so.undp.org<\/a><\/span> \/ +252 61 412 5046<\/p>\n<p>Twitter <span style=\"color: #ff6600;\"><a style=\"color: #ff6600;\" href=\"https:\/\/twitter.com\/Hoygamaansada\" target=\"_blank\" rel=\"noopener\">@hoygamaansada<\/a><\/span> | Facebook: <span style=\"color: #ff6600;\"><a style=\"color: #ff6600;\" href=\"https:\/\/www.facebook.com\/hoygamaansada\" target=\"_blank\" rel=\"noopener\">@hoygamaansada<\/a><\/span><\/p>\n<p>Instagram <a href=\"https:\/\/www.instagram.com\/hoygamaansada\/\" target=\"_blank\" rel=\"noopener\"><span style=\"color: #ff6600;\">@hoygamaansada<\/span><\/a> | YouTube: <a href=\"https:\/\/tinyurl.com\/yxfrcnsk\" target=\"_blank\" rel=\"noopener\"><span style=\"color: #ff6600;\">https:\/\/tinyurl.com\/yxfrcnsk<\/span><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>Fiiro gaar ah<\/strong><\/p>\n<p>Gabayada tartanka sanadkan ku guuleystay oo dhameystiran iyo sawirrada dadka ku guuleystay dhamaan halkan ayaad kala dagi kartaan:\u00a0<a href=\"https:\/\/www.dropbox.com\/sh\/cbg7s4rhsjnp4i7\/AACvEJxUQKtY3-iqzIJaE4oia?dl=0\" target=\"_blank\" rel=\"noopener\"><span style=\"color: #ff6600;\">https:\/\/www.dropbox.com\/sh\/cbg7s4rhsjnp4i7\/AACvEJxUQKtY3-iqzIJaE4oia?dl=0<\/span><\/a><\/p>\n<p>Hoyga Maansada Soomaaliyeed waa barnaamij <span style=\"color: #ff6600;\"><a style=\"color: #ff6600;\" href=\"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/poems\/\">lagu kaydiyo<\/a><\/span> laguna horumariyo gabayada iyo suugaanta Soomaalida. Waxaa la daahfuray sannadka 2021. Bogga internetka https:\/\/www.hoygamaansada.com\/ waxaa lagu kaydiyaa gabayada Soomaalida, waxaana lagu qabtaa <span style=\"color: #ff6600;\"><a style=\"color: #ff6600;\" href=\"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/competitions\/\">Tartanka Gabayada ee Sannadlaha<\/a><\/span>.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Horumarinta (UNDP) waxay ka shaqeysaa 170 dal si ay u cirib-tirto saboolnimada oo wax uga qabato sinnaan la\u2019aanta. Waxyaabaha aan dalalka ka caawinno waxaa ka mid ah diyaarinta qorshayaasha, xirfadaha hoggaaminta, dhiirrigelinta wadashaqaynta, kobcintas hay\u2019adaha dawladda iyo xoojinta dhabar-adaygga si loo gaaro Yoolasha Horumar Waara. Shaqadayadu waxay u badan tahay saddex qeybood oo kala ah; gaaritaanka horumar waara, maamul wanaagga iyo nabadeynta, iyo sidii loogu dhabaradaygi lahaa isbeddelka cimilada iyo musiibooyinka. <span style=\"color: #ff6600;\"><a style=\"color: #ff6600;\" href=\"http:\/\/www.so.undp.org\" target=\"_blank\" rel=\"noopener\">www.so.undp.org<\/a><\/span>.<\/p>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Poet of the Year, UNDP Woman Poet and Youth Poet judged by leading names in Somali literature from hundreds of entries.<\/p>","protected":false},"author":4,"featured_media":7873,"comment_status":"closed","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_acf_changed":false,"footnotes":""},"categories":[77,88],"tags":[],"class_list":["post-7867","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-homepage","category-news"],"acf":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7867","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7867"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7867\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/media\/7873"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7867"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7867"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.hoygamaansada.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7867"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}